
Garowe, Somalia (AOL) – Labaatan guuradii ka soo wareegtay markii jabhaddii EPRDF ay la wareegtay xukunka Itoobiya ayaa maanta lagu xusay xafiiska siyaasadda Itoobiya ee magaalada Garowe, kana qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, iyo marti sharaf kale.
Ismalaash, qunsulka Itobiya u fadhiya Puntlanad oo xafladaani soo agaasimayay wuxuuna halkaasi kasoo qudbad ku saabsan 20-kii sano ee lasoo dhaafay hormarkii ay gaartay xukumada Meles Zenawi isagoo dhinac walba ka taabtay xiriiradii kala duwanaa ay la yeesheen dowladaha dariska la ah Itoobiya , iyo horumarkii ay hiigsadeen. mudadaasi lasoo dhaafay.
Munaasibadaani oo ay ka hadleen masuuliyiin badan ayaa waxaa inta badan looga hadlay isku xirka wadooyin badan oo ay samaysay Dowlada Itoobiya iyo wabiga Niil ee mara degaano ka tirsan Itoobiya qaabkii looga faa’iidaysan lahaa ,iyadoona kulankaasi lagu soo bandhigay wax qabad badan oo ay ku tallaabsatay dowladda Itoobiya, waxaa kale oo uu soo hadal qaaday heshiiska Itoobiya ay la gashay jabhadda ONLF.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka War faafinta Puntland Mudane Axmad Cali Askar oo aad ugu amaanay soo bandhigada ay soo bandhigeen Ergada uu hogaaminayay Safiir Ismalaash .
Qudbado dheer oo ku saabsanaa xiriirada Itoobiya iyo dalalka geeska, kaddib ayaa guddoomiyaha barlaaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamuud Xirsi wuxuuna aad ugu bogaadiyay Dowlada Itoobiya hormarka ay gareen 20-kii sano ee lasoo dhaafay .
Jabhadda EPRDF ee uu hoggaamiyo Meles Zenawi oo dagaal adag la gashay maamulkii Mingiste Xayle Maryam kaddib dalkaasi ka badbaadisay isku dhex yaac la mid ah kii Soomaaliya ee ay jabhadaha badan ku loollamayeen, markii dambena qabyaalad dagaalka isku beddeley.
——–
Maxamed C/laahi Cali (Kooshin), Puntland/Somalia

