
http://www.raxanreeb.com/?p=97938&cpage=1#comment-79630
Askarigaan ayaa waxa uu koray baalo dheer oo uu ku xirnaa calanka ay wataan kooxda Al-Shabaab kadibna waxa uu halkaasi ka soo dajiyay Calankaasi, asagoona ku soo xiray calanka Soomaaliya.
Baalaha laga soo dajiyay calankaan ayaa waxa uu kuyaalaa agagaaraha Isgoyska kaasbalbaaro oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.
Askarigaan naftiisa u biimeeyay in calanka Soomaaliya uu saaro baalahaasi dheer oo uu markii hore ku xirnaa calanka madow oo ay sitaan kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa abaal marin wayn siiyay dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee gobalka banaadir Warsame Maxamed Xasan ayaa ugu Horayn halkaa ku gudoonsiiyay Abaal marin lacageed, sidoo kale Afhayeenka wasaarada warfaafinta C.nuur C.fitaax ayaa asna waxa uu gudoonsiyayay Abaal marin lacageed.























