Fake Somali govt delegation at an UN Conference

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Fake Somali govt delegation at an UN Conference

Post by Executive »

Whats wrong with these old somali guys? all of them want to be politicians and masulyiin

Fadeexad Caalami ah oo Qabsatay Shaqsiyaad Sheeganaya in ay Dowladda Sooomaaliya ku Matalayaan Shirka QM ee ka socda Switzerland

Jimco, Juun 03, 2011 (HOL) - Waxaa maalintii shalay aheyd si xoog leh usoo ifbaxay fadeexad caalami ah kadib markii shaqsiyaad sheeganaya in ay dowladda Soomaaliyeed ku matalayaan shirweynaha 100aad ee hay’adda QM u qaabilsan Shaqada ee loo yaqaan ILO ay gaareen magaalada shirka uu ka dhacayo ee Geneva ee dalka Switzerland.


Fadeexadan oo ay si xoog leh u hadal hayaan inta badan ergada kor u dhaafaysa 600 ee ka kala socota dalalka xubnaha ka ah QM ayaa waxaa ay banaanka timid markii labo shaqsi oo sheeganaya magaca dowladda Soomaaliya ay tageen xafiiska laga qaato kaararka aqoonsiga ee ergada shirka ayna sheegteen in ay matalayaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaanna ay ka socdaan Wasaarada Shaqada, Dhalinyarada, Isboortiga iyo Arrimaha bulshada ee dowladda KMG.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Hiiraan Online in Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada, Isboortiga iyo Arrimaha Bulshada ee dowladda KMG C/nuur Macalin Max’uud uu ku wargeliyay ururka shaqada adduunka ee ILO in nin la yiraahdo C/Rashiid Salaad Cabdulle oo hogaaminaya koox asaga oo adeegsanaya magaca dowladda FKMG, gaar ahaan magaca wasaarada, in ay kusii jeedaan Geneva si ay ugu qeyb galaan shirka ILO-da.

Horaantii bisha May ayaa ururka ILO waxaa loosoo gudbiyay liis la sheegay in ay dalka Soomaaliya ku matali doonaan kulanka 100aad ee ILO balse waxaa la xaqiijiyay in dadka ku qoran in ay Soomaaliya matalayaan aanan lagala tashan ama aysan wax ogolaansho ah ka heysan hogaanka sare ee Wasaaradda Shaqada, Dhalinyarada, Isboortiga iyo Arrimaha Bulshada ee dowladda KMG iyo Safaarada Soomaaliya ee QM ee Geneva.

Bogga Internetka ee hay'adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO ayaa lagu soo bandhigay magacyada iyo xilalka ay hayaan shaqsiyaadka ku xusan bogga:

http://www.ilo.org/wcmsp5/groups/public ... 156207.pdf

Waxaa is waydiin leh, ma dhabaa shaqsiyaadkan in ay u shaqeeyaan dowladda Soomaaliya ama run ahaantii hayaan xilalka la sheegay ee ku qoran bogga ILO:

Government Delegates

ABDILLE, Abdirashid, Mr, Technical Advisor, Ministry of Labour, Social Affairs, Youth and Sports.

Adviser and substitute delegate
ABDULLAHI, Ali Sheikh, Mr, Deputy Minister, Ministry of Labour, Social Affairs, Youth and Sports.


Advisers
AHMED, Mohamud Ali, Mr, Industrial Relations Officer, Ministry of Labour, Social Affairs, Youth and Sports
MOHAMUD, Zahra Mohamed, Ms, Planning Officer, Ministry of Labour, Social Affairs, Youth and Sports.

Employers' Delegate
SHEIKH YUSSUF, Abdullah Abdinur, Mr, Secretary, Somali Chamber of Commerce and Industry.

Adviser and substitute delegate

HASSAN, Abdullah Ali, Mr, Member Executive Committee, Somali Chamber of Commerce and

Industry

Workers' Delegate
ELMI, Abdirizak Moalin, Mr, Chairperson, Somali Federation of Trade Unions


Adviser and substitute delegate

SHIRE, Abdinasir Mohamed, Mr, Member, Executive Committee, Somali Federation Trade Unions

Adviser
IBRAHIM, Ali Farah, Mr, Technical Adviser, Somali Federation Trade Unions.

Shaqsiyaad warkooda lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in dad sheeganaya in ay matalayaan Soomaaliya balse aan dhab ahaantii wakiil aan ka aheyn Soomaaliya la keeni jiray dalka Switzerland si ay ugu qeyb galaan shirarka ILO ee sanadkiiba mar la qabto tan iyo markii dowladda FKMG la dhisay.

Fadeexadan ayaa keentay in Ururada Shaqaalaha ee ka qeyb galaya shirka ILO ay dacwad ka dhan ah shaqsiyaadkan iyo dowladda Soomaaliya ay u gudbiyaan shirka 100aad taasoo suurta gal ah in warqadaha aqoonsiga in lagala laabto shaqsiyaadka la sheegay in ay matalayaan dowladda Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa haddii aysan dowaldda FKMG tilaabo deg deg ka qaadin waxaa ay keeneysaa in ay cadeyn u noqoto eedeymihii hadda ka hor QM usoo jeedisay mas’uuliyiin sare oo dowladda FKMG ka tirsan in magaca dowladda ay ku qaataan fiisooyin lagu iibsado si sharci daro ah.

Wixii warbixin oo fadeexaddan ku soo kordho dib ayaan idiin ku soo sheegidoonaa.
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: Fake Somali govt delegation at an UN Conference

Post by kambuli »

Wuxu edeb daranaa :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”