Las-anod Police arrest Shababist suspect

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Las-anod Police arrest Shababist suspect

Post by Rightwing »

Ahmed godane crews...

Booliska Sool Oo Hawlgal Ay Fuliyeen Ku Soo qabtay 8 Nin Oo Tuhuno Argagixiso Galeen
June 2nd, 2011 Comments Off

Laascaanood (Somaliland.Org)-Ciidammada Ammaanka ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa shalay waabarigii guryahooda ka soo qabqabtay oo xabsiga u taxaabay 8 nin oo ka mid ah wadaadada iyo ganacsatada magaalada oo sida la sheegay lagu tuhmay falal argagixiso.

Ciidanka Booliska ayaa nimankan si gooni gooni ah ugu soo qabtay guryahoodii ka dib markii laga soo baxay salaadii subax.

Ma jiro war rasmi ah maamulka Gobolka Sool ka soo saareen xadhiga nimankan oo isugu jiray wadaado iyo ganacsato kala duwan, waxase wararka aanu ka helayno magaalada laascaanood ay sheegayaan in nimankan lagu wado baadhis xoog leh oo ciidamadda sirdoonka iyo CID-du ay wax kaga weydiinayaan tuhunada argagixiso ee loo haysto.

Badhasaabka Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye iyo masuuliyiinta qeybta booliska gobolkaasi ayaanay noo suurto gelin inaanu helo ka dib markii ay telefoonadii qaban waayeen.

Dhinaca kale Weftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ee beryahanba ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa shalay booqday fadhiisimada ciidamada qaranka ee jiida hore ee gobolka Sool iyo goobihii isniintii dagaalku ku dhex maray maleeshiyo huwan ah oo isugu jirtay Puntland iyo kooxda nabad diidka ah ee SSC oo is garabsanayay iyo ciidamada qaranka Somaliland.

Wasiirku wuu ku hambalyeeyay ciidamada siday gaashaanka ugu daruureen una cadhsadeen wax uu ku tilmaamay maleeshiyada soo weerartay.

Weftiga Wasiirku waxay ciidanka u qeybiyeen xoolo loogu tallo galay in loo qalo.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
LobsterUnit
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10442
Joined: Mon Nov 02, 2009 2:19 pm
Location: singapore

Re: Las-anod Police arrest Shababist suspect

Post by LobsterUnit »

Bullocks! Remember those guys they aprehended with supposed support from western helicopters? Released without charges. This blind imitation of western security intiatives will cost Somaliland in the future. You can quote me on that.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Las-anod Police arrest Shababist suspect

Post by FBISOMALIA »

good job sland catch all Terrorist alshababs and break headquarter in burco :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”