Wafi Caalami ah oo ka kooban 9-xubnood ayaa maanta soo gaaray magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Wafdiga oo ka kala socda hay’adaha UNHCR,UNDP iyo Dawladda Jaban ayaa waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xirriirka Caalamiga ah Daa’aaud Maxamed Cumar[Bisinle],Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cali Axmed Gamuute,Wasiir Kuxigeenka amniga Cabdi Jamaal Cismaan,Guddoomiyaha gobolka Bari Sheikh Cabdixaafid Cali Yuusuf iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga Puntland.
Guddoomiyaha gobolka Bari Sheikh Cabdixaafid Cali Yuusf oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in ujeedada ay u soo gaareen Wafdigaasi ay salka ku hayso:
Adkeynta Xirriirka Puntlandf iyo wadamada deeqaha bixiya.
Hirgelinta balanqaad horey ay u sameeyeen in ay ka hirgelin doonaan deegaanada Puntland iyo arrimo kale.
Cabdixaafid Cali Yuusf ayaa hoosta ka xariiqay in ay rajeynayaan in maalinta beri ah la kulmi doonaan Wafdigaasi,wuxuuna xusay in ay kala hadli doonaanj wax ka qabashada baahiyaha barakacayaasha.
Barakacayaasha kunool magaalada Bosaso ayaa muddooyinkii ugu danbeeysay waxay ka cabanayeen hoy la’aan la soo daristay noloshadooda ka dib markii milkiilayaasha dhullkii ay degnaayeen ay ka rareen.
Si kastaba waxaa la filayaa in Dawladda Puntland iyo hay’adaha Caalamiga ah ay iska kaashadaan wax ka qabashada baahida barakacayaasha.
Horseed Media
Wafdi Caalami ah oo soo gaaray Puntland
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 972 Views
-
Last post by muftaax
-
- 5 Replies
- 670 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 474 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 72 Replies
- 4589 Views
-
Last post by :-)
-
- 0 Replies
- 413 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 500 Views
-
Last post by vannessa
-
- 10 Replies
- 1220 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 0 Replies
- 312 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 4 Replies
- 1034 Views
-
Last post by Bandit
-
- 2 Replies
- 583 Views
-
Last post by FBISOMALIA