caruur nafaqa daro ugu geeriyootay sh.hoose ..

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
zaahidun
Posts: 211
Joined: Wed Jan 26, 2011 12:17 am

caruur nafaqa daro ugu geeriyootay sh.hoose ..

Post by zaahidun »

Caruur nafaqo dari ugu geeriyootay inta u dhaxaysa G. Sh/hoose iyo Bay
Baydhabo: (Sh. M. Network) Tiro caruur ayaa lagu soo waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay cudurada shubnka iyo nafaqo darida ugu geeriyoodeen deegaano hoostaga Xadka kala qeybiya gobolada Sh/hoose iyo Bay.
Cudurka shubanbiyoodka iyo nafaqo dari aad u baahsan ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagantahay deegaanada kala ah Baqtiile, Sarargoobo iyo Daabaan oo ka mid ah deegaanada ku yaala Xadka- kala qeybiya gobolada Sh/hoose iyo Bay.
Inta la’ogyahay cudurkaasi ayaa waxaa u geeriyooday ilaa 7-caruur ah oo la sheegay inay horey u haysteen nafaqo dari aad u baahsan, iyadoo ay ilaa iyo iminka jiraan kuwa kale oo la ildaran cudurkaasi.
Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaanadaasi oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle oo diiday in magacooda loo adeegsado Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in deegaanadaasi ay ka jiraan xaalado caafimaad daro oo aad u liidata, waxaana ay tilmaameen in deegaanadaasi aysan ku oolin xarumo caafimaad oo lagula tacaalo caruurta ay soo ritaan cudurada nuucyadooda kala duwan.
Waxgaradkaasi ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in caruurtaasi ay lasoo gaaraan dawooyin lagu dabiibo dhalaankaasi oo ay ka deeriyeen xaaladahooda caafimaad.

Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa uu ka mid yahay kuwa ku yaala Koofurta Soomaaliya oo ay saamaynta xooggan ku yeelatay abaarta ka jirta dalka, waxaana cuduradaani ay inta badan yimaadaan xiliyada ay biyo la’aanto ka dhacdo deegaanada sida wayn uga fog Biyaha Wabiga Shabelle.

maxaa u roon dadkan ,hey'adihii caafimaad alshabab wey diiden oo dana badan ooy gaaleysiin ka mid tahay ayey wadaan ayey dheheen , ayagii wax uma qabtaan dadkan sii hoobanaya , maxaa xal ah ayey hayaan dadkan . sidee gargaar lagu gaarsiin karaa shacabkan dhibateysan . alshabab sow mas'uul kama ahan dhibkan .
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”