first modern building in all somalia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

first modern building in all somalia

Post by FBISOMALIA »

Image

Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telcom Soomaaliya ayaa maanta[Khamiis] dhagax dhigtay dhisme cusub oo ay yeelaneyso Shirkadda kaas oo laga dhisayo gudaha magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Munaasabad ka dhacday xarunta shirakdda oo lagu kala saxiixanayey heshiiska dhismaha shirkadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ay kamid yihiin
Maareeyaha guud ee Shirkadda Golis Telcom Aaden Sheekhdoon,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.Isgaarsiinta,Hidaha iyo dhaqanka Axmed Cali Askar,Guddoomiyaha gobolka Bari Sheikh Cabdixaafid Cali Yuusf,Injineer Cabdiqaadir Ciise Cumar iyo marti sharaf kale.

Shirkadda Golis Telcom oo ah mida loo dhisaayo dhismaha iyo Shirkadda qaabilsan dhismaha ee Mubaarak Construction ayaa kala saxiixday heshiis qoraal ah oo ku saabsan dhismaha Shirkadda.

Saxiixa ka dib ayaa Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telcom ay soo qabanqaabisay qado sharaf lagu maamusayo Xafladda dhagax-dhiga Golis Telcom Soomaaliya kaas oo lagu qabtay Hotel Panorama ee magaalada Bosaso

Image

Maareeyaha Shirkadda dhismaha Mubaarak Construction Injineer Cabdiqaadir Ciise Xaaji Cumar ayaa sharaxaad ka bixiyey dhismaha ay u dhisayaan Shirkadda Golis Telcom Soomaaliya.

Injineer Cabdiqaadir Ciise Xaaji Cumar ayaa sheegay in dhismaha cusub uu ka kooban yahay 7-dabaq kaas oo mustaqbal la gaarsiin karo 10-dabaq .

Injineer-ka ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha cusub oo ay yeelaneyso Shirkadda Golis Telcom Soomaaliya uu leeyahay adeegyada kala ah:

1. Dab damis
2. Monitoring and Surveillance.
3. Elevator.
4. Escalator.
5. Wiishash lagu kala gudbi karo[Sensor doors].
6. Qaboojiye la xakameyn karo[AC/Split duct].
7. Muraayadaha Xabadaha celiya[Reinforced glass-1st Floor].
8. Xakameynta Xasharaadka[No Insects].
9. Sumadda Shirkadda Golis Telcom oo ka muuqaneysa Kor[Brand Name].

Maareeyaha guud ee Shirkadda Golis Telcom Aaden Sheikhdoon ayaa sheegay in dhismaha cusub ee Shirkadda Golis Telcom uu tilmaam u yahay kobaca iyo horumarka Shirkadda,wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in ganacsatadu ay maalgeshi ku sameystaan gudaha dalka.

Aaden Sheikhdoon ayaa ku tilmaamay dhismaha cusub in uu yahay kuwa ka dhisan Caalamka kan maanta ay Shirkaddu ay dhagax-dhigtayna uu yahay dhismihii ugu horeyey ee laga hirgeliyo gudaha dalka Soomaaliya.

Khudbada maareeyaha oo dhinacyo badan taabaneysay ayuu sidoo kale kaga hadlay in uu soo bandhigay adeegyo cusub oo la magac baxay”KUMEE” kaas oo macmiilku usoo saaraya xiliga uu dansanyahay cida soo wacday iyo adeeg kale oo isna la magac baxay”WAA I KAN” oo sheegaya xiliga uu hawada dib ugu soo noqdo macmiilku.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.Isgaarsiinta,Hidaha iyo dhaqanka Dawladda Puntland Axmed Cali Askar oo kamid ahaa mas’uulkii dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Shirkadda Golis Telcom Soomaaliya ayaa ku amaanay in Golis ay tahay hooyada Isgaarsiinta Soomaaliya loogana baahanyahay in si horumariso waxqabadkeeda.

Mas’uuliyiinta kala ah Guddoomiyaha gobolka Bari Sheikh Cabdixaafid Cali Yuusf,Guddoomiyaha rugta hanacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim,Kuxigeenka duqa degmada Bosaso Cabdiqaadir Yuusuf Daahir,Ganacsade ,Maxamuud Faarax Bile oo ka hadlay xaflada ay dhamaantood ku amaaneen kaalinta Shirkaddu ku leedahay bulshada dhexdeeda.

Si kastaba ha ahaatee dhismaha cusub ee maanta ay dhagax-dhigtay Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telcom uu noqonayaa dhismihii ugu horeeyey oo noociisa ah oo laga hirgeliyo Soomaaliya
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: first modern building in all somalia

Post by FBISOMALIA »

Image
Goobta laga dhisayo Daarta Golis

Image
Saxiixa Mubaarak Iyo Golis

Image
Goobta dhismaha Laga sameynayo

puntland ha nolatoo :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”