Shirweyinihii Beelaha Ciidagale Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Hargeysa Iyo Guddidi Qabanqaabada Oo La Doortay, Iyo Hadalhaynta Bayaanka Ka Soo Bixi doona.
(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 29, 2011
Hargeysa(HWN):-Shirweynaha beelaha Daauud Garxajis (Ciidagale) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
Hargeysa(HWN):-Shirweynaha beelaha Daauud Garxajis (Ciidagale) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
Shirweynahan oo labadii sannadoodba hal mar lagu doorto guddida guud beesha Ciidagale hogaamin doonta,isla markaana ay beeshu kaga arrinsanayso waxa u qabsoomay muddada labada sannadood ah ee ay guddidaasi hogaaminaysay, waxa ka dhiman ee u baahan in imika la qabto iyo sidii looga arrin san lahaa waxyaabaha soo socda oo ay beeshu meel kaliya u wada xadhig jiidi lahayd iyada oo isku duuban.



Ergada Shirweynahan ka soo qeybgashay oo dhamayd 200 ergay oo isaga kala yimid guddo iyo dibadba kana kooban inta ardaa beesha Ciidagale ka kooban tahay,isla markaana ay ka mid ahaayeen odayga ugu daada weyn Somaliland,isla markaana ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland Cabdi Waraabe,Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe,Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Wasiirkii hore ee Cadaalada Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare),Maayarka Caasimada Hargeysa Eng.Xuseen MaxamuudJiciir,masuuliyiin ka kala socday sadex Xisbi Qaran (KULMIYE,UCID iyo UDUB),Cuqaal,Salaadiin,aqoonyahano,Culimaaudiin,Ganacsato,Siyaasiyiin,Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan Guurtida iyo Wakiillada iyo mudanayaasha Golaha Deegaanka iyo guud ahaanba labeenta beelaha Ciidagale.
Shirweynahan oo socon doona muddo laba Cisho ah ayaa waxa lagu dooran doona guddi Cusub oo beesha Ciidagale-weyne hogaamin doonta, iyada oo shirkan aayaha reerka ee wakhtigan horumar iyo hoos-u-dhac waxa ku yimid qiimayn iyo daraasad lagu sameyn doono.
Ergadii ka soo qeybgashay Shirweynaha ayaa waxay cod gacan taag ah ku ansixiyeen Shirgudoonka Cusub ee labada maalmood ee Shirku socdo hagi doonta,
Waxaanay kala ahaayeen Xubnaha Shirweynaha loogu doortay inay hagaan sidan:
1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin Guddoomiye
2. Axmed Cabdilaahi Xayd (Gudoomiye Kuxigeen)
3. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba
4. Maxamed Cismaan Muxumed
5. Khadar Muxumed Maxamed (Xoghaye)
6. Marwaan Xaaji Cali Bootaan
Guddoomiyihii hore ee Guddida guud ee Beesha Ciidagale Kayse Haybe (Kayse Dheere) iyo Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan Shirweynaha,isla markaana waxay ku hambalyeeyeen ergada ka soo qeybshay Shirweynahan.
Waxaana Shirweynahan lagaga hadlay xaalada Siyaasadeed ee wakhtigan dalku marayo oo ay Ergeydu aad ugu lafa-gurtay,inkasta oo aan la saadaalin Karin Bayaanka ka soo bixi doona Shirweynahan nooca uu noqon doono.
Hadhwanaagnews.com/Office