Another one bites the dust!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Another one bites the dust!

Post by Rightwing »

Head of the National Audit Office Mr. Mohammoud Aw Abdi Ibraahim.

Hantidhawrka oo Gudbiyey Qoraal Maamuus-ka-xayuubinta Maayarka iyo Maayir-ku-xigeenka Hargeysa
SUNDAY, 03 JULY 2011
Muxuu Maayar Jiciir ka yidhi qoraalka maamuus-ka-xayuubinta ah ee Hantidhawrka diyaariyey? + Dhisme aan sharciyad lahayn oo Dawladda Hoose ugu deeqday xarunta Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka



Hargeysa (Togdheernews)- Hantidhawrka Guud ee Qaranka, ayaa la xaqiijiyey inuu Xeer-ilaalinta Guud, Wasaaradda Daakhiliga iyo Madaxtooyada Somaliland u gudbiyey shalay qoraal uu ku dalbanayo maamuus-ka-xayuubin lagu sameeyo Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo ku-xigeenkiisa si maxkamad loo horgeeyo, kadib markii uu ku soo oogay dacwad la xidhiidha musuqmaasuq oo ay la wadaagaan sarkaakiil tiro badan oo ka tirsan Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Ma jiro haba yaraatee wax war ah oo saraakiisha Hantidhawrka Guud ka bixiyeen qoraallada ay shalay u gudbiyeen madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo weliba nooca dacwadda hanti lunsiga ah ee ku foorarta masuuliyiinta iyo shaqaalahooda toona. Sidoo kale ma jiraan warar rasmi ah oo dhinacyadaas ka soo baxay.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo xogogaal ah oo u dhuun daloola baadhitaannada Hantidhawrka Qaranku ka wado Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa Jamhuuriya u sheegay in masuuliyiintaas lagu hayo inay faraha kula jiraan fadeexadihii musumaasuq ugu cuslaa ee hay’ad dawladeed gasho muddada sannadka maalmaha kooban ka hadhsan yihiin ah ee ay talada dalka haysay xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, iyadoo ilahaasi tibaaxeen inay maayarka iyo ku-xigeenkiisa dacwadda hanti lunsiga ah la wadaagaan Xoghayaha Dawladda Hoose Mr. Deeq Xirsi Cambuur oo isaga eedayntiisa hore loogu gudbiyey Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka iyo saraakiil kaloo ka tirsan xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Dawladda Hoose.

Waxa kaloo ilo-wareedyadaasi iftiimiyeen in hantida madaxdaasi ku eedaysan yihiin ee lagu ogaaday baadhitaanka Hantidhawrka Guud isugu jirto lacago xad-dhaaf ah oo siyaabo kala duwan loo musuqmaasuqay, dhul tiro badan oo sifooyin khaldan loo weecsaday, gaadiid, dhismayaal iyo goobo ganacsi oo si gaar ah loogu tagrifalay.

Eedaymaha ugu waaweyn ee dacwadda Hantidhawrka Guud diyaariyey ee liddiga ku ah madaxda sare ee caasimadda Hargeysa, ayaa sida la sheegay waxa ka mid ah lacag balaayiiin shillin Somaliland gaadhaysa ah oo lagu lunsaday mashaariic been been ah, dhul aad u ballaadhan oo maayar Jiciir magaca walaalkii kaga samaystay xaafadda Masalaha ee koonfurta magaalada, meherado danguud ahaa, balse cid gaara gacanta loo geliyey, sida xarunta dhismaha Inji, wershad samaysa qalabka guryaha oo duqu magaca walaalkii ku qoray, shidaaal, gaadiid - booyad kuwa daamurka waddooyinka lagu sameeyo gogla ah oo qiimaheeda lagu sheegay $40 kun oo dollar, isla markaana 13kii bishii January ee sannadkan 2011 nin ganacsade ah oo magaciisa la yidhaa Cabdinaasir Ciise Muuse heshiis kula galay Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa inuu muddo 60 maalmood ah booyadaas kaga keenayo dalka Maraykanka oo la sheegay in laga soo iibinayey, taasoo aan ilaa hadda la ogayn meel heshiiskaasi ku dambeeyey.

Geesta kale, ilo-wareedyada Hantidhawrka u dhuun daloolaa waxa ay Jamhuuriya u caddeeyey in maayar Jiciir muddadii baadhitaannadu ku socdeen ku hawlanaa qorsheyaal kala duwan oo uu kaga hortagayey dacwad kasta oo Hantidhawrka Guud ku soo oogo uu xidhiidho dhaw la samaystay madaxda sare ee hay’adaha kala duwan ee dacwadaha musumaasuqa la xidhiidhaa sii maraan marka Hantidhawrku diyaariyo eedaymaha hanti lunsiga ee uu qabto iyo cidda ku lugta leh- sida Wasaaradda Daakhiliga, Xeer-ilaalinta Guud iyo maxkamadaha kiisaska qaada.

Warku waxa uu intaa ku daray in Duqa Caasimaddu culayska ugu weyn ee isdifaaciisa bartilmaameed uga dhigtay Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka oo ah hay’adda oggolaata amma diidda dacwadaha xatooyada ummadda ee Hantidhawrka Guud u gudbiyo, isagoo si qorshihiisa ugu hirgalo ka bilaabay xarunta Xeer-ilaalinta Guud dhismaha laba xafiis oo lagu sheegay qaar dawladda hoose ugu deeqday hay’addaas, hase ahaatee aan dhaqaalaha ku baxay dhismayaashaas oo hadda la dhammaystiray meelna kaga xusnayn hab-xisaabeedka maamul ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, isla markaana waxba kala socon Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaranka ugu xilsaaran dhismayaasha, sida ilo-wareedyo Hantidhawrka u dhuun daloola xaqiijiyeen arrintaas ayaa iyana sida la sheegay ku biirtay eedaymaha kiiska musuqmaasuqa ku saabsan ee Hantidhawrku la maaggan yahay in maxkamad lagu horgeeyo Maayar Jiciir iyo masuuliyiinta kale ee la wadaaga dacwadda hanti lunsiga ah ee miiska saaran.

Dhinaca kale, saraakiisha Hantidhawrka Guud oo xidhiidho kala duwan Jamhuuriya kala sameeyey si wax looga weydiiyo nuxurka uu xambaarsan yahay qoraalkooda ay shalay u kala gudbiyeen Xeer-ilaalinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada, ayaa gebi ahaanba afka ka xidhay inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan arrintaas.

Hase ahaatee, ilo-wareedyo xogogaal ka ah ayaa xaqiijiyey in mucda ugu weyn ee qoralladaasi huwan yihiin ay ugu muhiimsan yihiin laba qodob oo kala ah; in mudanayaasha Golaha Degaanka Hargeysa loo muddeeyo fadhi aan caadi ahayn oo ay dhawrsanaanta kaga xayuubiyaan maayarka iyo maayar-ku-xigeenka, xoghayaha dawladda hoose iyo saraakiil kale oo la eedaysan si maxkamad loo horgeeyo iyo qodobka labaad oo ah inay hantidhawr ahaan diyaar u yihiin inay maxkamadda dacwadda qaadaysa u gudbiyaan caddaymaha iyo markhaatiyada ay u hayaan madaxda iyo saraakiisha ku eedaysan arrimaha musuqmaasuqa ee uga soo ifbaxay badhitaannadoodii.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay si arrintan wax looga weydiiyo, waxa uu sheegay in habayaraatee aanmu wax war ah ka hayn, isla markaana xilligaas maqal qoraalka maamuus-ka-xayuubinta ah ee la sheegay in Hantidhawrku u gudbiyey Xeer-ilaalinta Qaranka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada Somaliland.

Source Jamhuuriya.
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Another one bites the dust!

Post by abdikarim86 »

Could you make a list of cida la eryay so far?
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Another one bites the dust!

Post by Rightwing »

Hargeisa mayor and his deputy, head of the municipality and many other government officials. :D :D :D :D :D :D
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Another one bites the dust!

Post by abdikarim86 »

Rightwing wrote:Hargeisa mayor and his deputy, head of the municipality and many other government officials. :D :D :D :D :D :D
any developments on Xeerka ururada siyaasadeed.

I think no elections are taking place until such a law is passed
since Silaanyo opened the flood gates for parties.

I'd like all these local politicians to go :lol:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Another one bites the dust!

Post by Rightwing »

Abdikariim
Xisbiyadii waa fasaxay. marka dawladaha hoose doorashadooda la galo ayaanu maqli doonaa cida isaa soo bandhigta.
btw. I knew Mayor jiciir was crook. Crooks' days are numbered, dhegtaa lasoo wada qabanayaa. :up:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Another one bites the dust!

Post by Rightwing »

Waxaan maqlay Maayarkii corruptionka aabihiis ismail hajji Noor(Erigavo Mayor) ayaa hada isna isku sii xaaraya :lol:
Waa loo soo socdaa :lol:
Ama mujaahid sheego ama laandheer sheego aabahaa baad fuudka la cabi. :lol:

Good bless the head of the National Audit Office Mr. Mohammoud Aw Abdi Ibraahim
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Another one bites the dust!

Post by abdikarim86 »

Rightwing wrote:Abdikariim
Xisbiyadii waa fasaxay. marka dawladaha hoose doorashadooda la galo ayaanu maqli doonaa cida isaa soo bandhigta.
btw. I knew Mayor jiciir was crook. Crooks' days are numbered, dhegtaa lasoo wada qabanayaa. :up:
So all parties compete for local elections and parliamentary,
and largest 3 progress to presidential?
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Another one bites the dust!

Post by abdikarim86 »

Rightwing wrote:Waxaan maqlay Maayarkii corruptionka aabihiis ismail hajji Noor(Erigavo Mayor) ayaa hada isna isku sii xaaraya :lol:
Waa loo soo socdaa :lol:
Ama mujaahid sheego ama laandheer sheego aabahaa baad fuudka la cabi. :lol:

Good bless the head of the National Audit Office Mr. Mohammoud Aw Abdi Ibraahim
:up: :D
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Another one bites the dust!

Post by Rightwing »

Predictably, string of parties will start up, few will succeed, many will fail. Allaw kii roon hadba reerka u reeb ayaa ka dhici doonta.
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Another one bites the dust!

Post by abdikarim86 »

Rightwing wrote:Predictably, string of parties will start up, few will succeed, many will fail. Allaw kii roon hadba reerka u reeb ayaa ka dhici doonta.
sidaa kama hadlayo, regulation ahaan baan ka hadlayaa :up:

Something needs to be in place to stop dozens of parties vying for the
presidency, especially because only the largest party wins at the moment
as there is no second round.
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Another one bites the dust!

Post by Rightwing »

abdikarim86 wrote:
Rightwing wrote:Predictably, string of parties will start up, few will succeed, many will fail. Allaw kii roon hadba reerka u reeb ayaa ka dhici doonta.
sidaa kama hadlayo, regulation ahaan baan ka hadlayaa :up:

Something needs to be in place to stop dozens of parties vying for the
presidency, especially because only the largest party wins at the moment
as there is no second round.

sadexda ugu taageerayaal badan ayaa la sharciyeen. Inta kale daadka ayay raacayaan.
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Another one bites the dust!

Post by Cumar-Labasuul »

wixii musuq maasuq ku dhaqma heesta 'hit the road jack' un haa loo shido

:clap: :lol: :clap:

User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Another one bites the dust!

Post by Somalistan »

Thank God for people like Mr. Mohammoud Aw Abdi Ibraahim and Eng. Hashi. They look out for the common man out there from the decietful and shameful corrupt officials. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”