rascasyr pirates hijacked one of bossaso ships

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

rascasyr pirates hijacked one of bossaso ships

Post by FBISOMALIA »

Dooni ka ambabaxday dekedda Boosaaso oo la afduubtay

Dooni ganacsi oo waday xoolo laga dhoofiyay dekedda magaalada Boosaaso ayaa galinkii dambe ee shalay laga afduubtay xeebaha gobolka Bari,xilli ay kusii jeeday deked ku taala dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faarax Jaamac oo waraysi gaar ah siiyay Horseed Media ayaa sheegay in doonida ay saarnaayeen ari fara badan,waxaana uu sheegay in doonida kooxo burcadbadeed ah Soomali ah inay lla’aadeen xeebaha degmada Calluula ee gobolka Bari.

Wasiirka ayaa sheegay in doonida la afduubtay laga leeyahay dalka Pakistan islamarkaana uu u rarnaa ganacsade caan ka ah deegaanada Puntland oo lagu magacaabo Geele,waxaana uu sheegay in xiligan ay socdaan howlgal lagu doonayo in lagu soo furto doonida oo ay wadaan ciidamada maamulka Puntland oo kaashanaya ciidamada howlgalada la dagaalanka burcadbadeeda ka wada xeebaha dalka Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay wasiirka in afduubka doonida ganacsi uu siweyn uga xunyahay maamulka Puntland,balse waxaa uu sheegay in afduubka doonida ay aragti ahaan ka qabaan in burcadbadeeda doonayaan inay ku afduubtaan maraakiibta ganacsi ee adeegsada xeebaha caalamka.

3 June 2010-kii ayay ahayd markii ciidamada Puntland ay ku guulaysteen howlgal ay fuliyeen inay xoog kusoo furtaan dooni ganacsi oo ay burcadbadeeda ka afduubteen meel ku dhow dekedda magaalada Boosaaso,waxaana howlgalkaasi ku dhintay kabtankii markabka MV-Qassim oo ay burcadbadeeda haystaan iyadoona la qabtay dhamaan burcadbadeedii gaysatay afduubka.

Si kastaba doonidan ayaa noqonaysa tii sadexaad ee u raran ganacsato Soomaliyeed oo ay burcadbadeeda ka afduubtaan xeebaha gobolka Bari.

Horseed Media.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”