
Garowe, Jul 17 - Guddiga doorashada ee Puntland ayaa fadhi uu maanta yeeshay guddoomiye u doortay Maxamed Xasan Barre 'Shimbiralaaye', halka ku xigeenna ay u doorteen Maxamuud Soofe Xasan.
Md. Shimbiralaaye oo ka mid ahaa 5 xubnood ee uu magacaabay M/weyne Faroole, horena u ahaa wakiilka dawlada Puntland ee Nairobi, ayaa ballan ku qaaday in uu ka dhabayn doono barnaamijka geedi-socodka dimuqraadiyadeed ee Puntland, xilka loo magacaabayna uu u gudan doono si daacad ah.
Md. Shimbiralaaye ayaa xilal illaa heer wasiir ah ka soo qabtay dawladii milatariga ahayd ee Somaliya, la-taliye u ahaa M/weyne Faroole, mudana ku noolaa dalka Britain.
Fadhiga maanta oo ahaa fadhigiisii ugu horeeyey ee Guddiga Doorashada ayaa waxaa khudbad dardaaran ah ka jeediyey M/weyne Faroole oo ugu baaqay xubanaha guddigu in ay gaarsiiyaan Puntland hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay hiigsanaysay sannadihii la soo dhaagay; waxaa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka Puntland in ay gacan siiyaan guddiga, ayna kala shaqeeyaan sidii uu u gudan lahaa hawsha baaxada leh ee hortaal.
Guddiga doorashada ayaa laga sugayaa jadwal qeexaya hirgelinta barnaamijka dimuqraadayadeed ee Puntland ee looga gudbi karo hannaanka beelaha oo Puntland ay isticmaalaysay tan iyo 1998-kii.
Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa todobaadkii hore anisixyey 7 ka mid ah 9 xubnood ee guddiga oo sida dastuurku uu dhigayo 5 ka mid ah uu magacaabay M/weyne Faroole, halka 4-na uu magacaabay afhayeenka baarlamaanku.
Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland:
1. Dr. Cali C/raxmaan Xirsi,
2. Yuusuf Xaaji Saciid,
3. Maxamuud Soofe Xasan,
4. C/risaaq Axmed Sheekh.
5. Maxamed Xasan Bare 'Shimbiralaaye',
6. Barkhad Cali Saalax,
7. Cismaan Maxamuud X. Xasan,
8. Axmed Maxamuud Axmed,
9. Muxubo Muuse Ciise.
Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.