Garowe ( RBC Radio ) : Tababarkan oo soconayey mudo laba Maalmood ah ayaa waxaa uu ka socday Hoolka Shirka ee Hay,ada Horumarinta iyo Cilmi Baarista ee puntland ee (PDRC ),waxaana ka soo Qaybgalay Xubno ka socday Baarlamaanka Puntland ,Masuuliyiinta PDRC ,Madaxda Punsaa ,Xubnaha Gudiga Hogaaminta ,
Waxaana loo Qabtay 40 Wariye oo ka kala yimi Xarumaha Warbaahinta ee Gobolada Puntland ka jira sida : TV yada ,Idaacaddaha ,Website yada & Joornaalada ka soo Baxa Deegaankaaas,
Tababarka ayaa waxaa soo Qabanqaabisay Hay,ada PDRC oo Kaashanaysa Hay,ada ay Bahwadaagta La Tahay ee InterPeace,
Burhaan Axmed Daahir Gudoomiyaha Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ah Xoghayaha MAP ayaa ugu Horay la Hadlay suxufiyiinta Tababarkani u soo Dhamaday waxaana uu kulaDardaarmay in ay Laba laabaan shaada adage e ay u hayaan Bulshada Dhagaysata,Daawata .akhrisata Warfidiyeenada puntland,
Suxufiyiinta ayaa Mudada uu socday Tababarku ku Baranayey Democracay yada iyo waxaa ay Tahay,
Maxamed C/rashiid oo ku Hadlayey Magaca ka Qaybgalayaasha kana mida Howlwadeenadda RBC Radio ayaa sheegay in wariyaashu Faaiideysteen Macluumaad Fara Badan oo la xiriira ee Democracy yada “ Democracyada wixii hore aan uga aaminsanayn iyo waxaan u Baranay waxaa u Dhaxeeya Fari wayn oo la Taaban karo”
Maxamed ayaa ugu Baaqay ka qaybgalayaasha in ay u Faaiideeyaan Saaxiibada ay uga yimaadeen Goobihii Shaqada Democracyaduna ay ka Bilaabato Goobaha Shaqada ee Warbaahineed,
Axmed Jaamac oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka ( Sharciyada ) ee Golaha Wakiilada puntland iminkana Gudoomiye kuxigeen ka ah Gudiga Hogaaminta ee Ka shaqaynaya Barnaamijka Democracyada ee ay ku Howlantahay Hay,ada Cilmibaarista iyo Horumarinta ee puntland ayaa xiritaanka Tababarka Hadal kooban u jeediyey Ka Qayb galayaasha waxaana uu yiri Barnaamijkan waa wax Hada ku cusub Dadka Reer Puntland Gudi ahaan waxaanu Bilownay Howlaha Baahinta iyo Barista Bulshana Tababaro iyo Shirar ayaanu Bilownay ,
Warbaahinta ayaanu Siinay Mudnaanta Kowaad ee Tababarada si ay ugu Baahiyaan Bulshada Barnaamijkan oo ay ka Haystaan Figrad wax ku ool ah,
Axmed Jaamac ayaa kula Dardaarmay in ay u Hagar Baxaan Bulshada ay u adeegaan wariyaashu, “ Bulshada Bara wixii aad Halka ka Barateen iyo wixii aad Hore u Taqaaniin,,
Hay,ada Cilmi Baarista iyo Horumarinta Puntland ee PDRC ayaa ku Howlan sidii ay ugala shaayn lahayd Dowlada Puntland Baahinta Arrimaha la xiriira Dimoraadyada iyadoo Dhawaan la Magacaabay Gudiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.
Warbaahinta Puntland oo Tababar ugu soo Xirmay PDRC Garowe
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 362 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 255 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 5 Replies
- 525 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 473 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 232 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 313 Views
-
Last post by usman-84
-
- 5 Replies
- 299 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 379 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 359 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 300 Views
-
Last post by KeligiiJabhad