one school at a time
Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 14/06/2011 markii ugu horeysay la dhagax dhigay Iskuulka hoose/dhexe ee magaalada Sooljooto ee gobolka Cayn. Iskuulkaas waxaa dhagax dhigay Dr.Maxamed Ducaale kadib booqasho gaaban oo uu magaladaas ku yimid shalay,
Warku wuxuu intaas ku darayaa in schoolka dhowaan la soo geba gebayn doono hadii ilaahay idmo. Magaaladan oo ka mid magaaliyinka qadiimiga ah ee ka tirsan gobolka Cayn, ayaan nasiib uhelin hada kahor inay iskuul toos ah yeelato, iyadoo eeda arintaasna ay inta badan dusha ku qaadeen dadka degaanka oo aan dareemin hada kahor baahida haysata caruurtooda iyo faaiidada waxbarashadu u leedahay caruurta iyo dadkaba.Hada iyo wixii ka danbeeya waxaad moodaa in laad loogu baraarugay qiimaha waxbarshada, iskuulkanina qayb wayn kaqaadan doono baahida ragaadisay shacabka halkaas ku dhaqan.