GAROOWE : M-wayne Faroole oo dib uga noqday Maxkamada dambiyada culus
Garoowe :-Waraaq ka soo baxday xafiiska M-waynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa lagu sheegay in dib looga noqday Maxkamada dambiyada Culus ee Puntland taas oo uu dhawaan M-wayne Faroole sameeyay, waxaana qoraalka lagu sheegay in dib loogu meeleeyay Maxkamada dambiyada culus Maxkamadaha caadiga ah ee gobolada iyo Degmooyinka waxaana loo magacaabay:
1. Cabdirisaaq Maxamuud Cali Yuusuf waxaa loo magacbay Garsoore Maxkamada Racfaanka gobolka Bari.
2. Cabdinaasir Xaaji Aadan Axmed Waxaa loo magacaabay Garsoore Maxkamada Racfaanka gobolka Bari.
3. Cabdiwali Axmed Aadan Waxaa loo magacaabay Garsoore Maxkamada Racfaanka gobolka Mudug.
4. Maxamed Xareed Faarax Waxaa loo magacaabay Garsoore Maxkamada Darajada kowaad ee Boosaaso.
5. Maxamed Saciid Nuux Waxaa loo magacaabay Garsoore Maxkamada Darajada kowaad ee Gaalkacyo.
6. Maxamed Cabdisalaam Macalin Axmed Waxaa loo magacaabay Garsoore Maxkamada Darajada 1aad ee Gaalkacyo.
Ka noqoshada Maxkamada dambiyada culus ayaa la sheegay in la tixgashay go’aanka Golaha Wakiiladda Puntland ee ku saabsan dhismaha iyo awoodaha Maxkamadda dambiyada culus oo si kumeel gaar ah ku shaqaynaysay iyo soo jeedinta Guddiga sare ee Garsoorka Puntland.
Maxkamada dib looga noqday maanta ayaa horay waxaa u sameeyay M-waynaha Puntland walow aysan meelmarin Golaha Wakiiladda Puntland, waxaana jirtay cabashooyin dhinacyo kala duwan ka soo baxayay oo sheegayay in aysan sharci ahayn samaynta Maxkamadan.
Maxkamadan, ayaa sida la xasuusto la sameeyay xiligii uu socday dagaalkii Puntland iyo Kooxda buurta Galgala, taas oo la doonayay in loo isticmaalo dadka ku lugta lahaa dagaalkaas iyo falalka loo arko argagixisada.
Warar hoose ayaa sheegaya dib uga noqoshada Maxkmadan ay qayb ka tahay heshiis qarsoodi ah oo u socda Puntland iyo Kooxda Galgala, taas oo uu maanta si rasmi ah u shaaciyay heshiiskaasi in uu jiro Wasiirka cusub ee Amniga Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan oo ku sugan gobolka Bari.
puntland give signs to atom gang " we accept your peace"
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: puntland give signs to atom gang " we accept your peace"
Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Puntland oo lagu baabi'iyay Maxkamaddii dambiyada culus ee Puntland
Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Wareegto uu maanta oo Isniin ah soo saaray madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa lagu baabi'iyay maxkamadda dambiyada culus ee maamulkaas, iyadoo garsoorayaasheedii lagu kala daray maxkamadaha Boosaaso iyo Gaalkacyo.
Madaxweynaha Puntland ayaa wareegtada uu soo saaray ku sheegay in sababta loo baabi'iyay maxkamaddan ay tahay talo-soo-jeedinno ka timid baarlamaanka Puntland iyo guddiga sare ee garsoorka.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu ogolaaday baabi'inta maxkamaddan maadaama uusan dastuurku ogoleyn, ayna markii hore ahayd mid KMG ah.
Garsoorayaashii ka howgeli jiray maxkamaddan ayaa lagu kala daray maxkamadaha gobollada Bari iyo Mudug, kuwaasoo galal dacweedyadoodii ula wareegay labadaas maxkamadood ee lagu kala daray.
Maxkamadda dabiyada culus ayaa la asaasay bishii sebteembar ee 201o, taasoo la sheegay inay keentay duruufo la xiriira xagga kororka dambiyada culus ah iyo kuwa argagixiso ee gudaha Puntland.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 801 Views
-
Last post by XaliimoFarax
-
- 0 Replies
- 317 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 7 Replies
- 584 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 558 Views
-
Last post by 1nkaarQabe
-
- 0 Replies
- 521 Views
-
Last post by Coeus
-
- 0 Replies
- 543 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 5 Replies
- 635 Views
-
Last post by Coeus
-
- 3 Replies
- 1108 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 0 Replies
- 753 Views
-
Last post by FBISOMALIA