Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Warshadii Ugu Horreysay Ee Laga Hirgaliyey Gabiley Soo Saari Doonta Biyaha
Gabiley (SDWO 26/07/2011) - Madaxwayne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta Xadhiga ka jaray Warshad Cusub oo soo saari doonta Biyaha Saafiga ah. Kaasi oo laga hir galiyey Duleedka Galbeed ee Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.
Xafladan Xadhig-jarista ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil oo si wayn ugu amaanay Mulkiilayaasha Shirkada oo uu ku sheegay in ay Gabiley ka furtaan Warshadan, waxaanu farta ku fiiqay in ay taasi dheeli tirayso Gobolada. isla markaana ku hambalyeeyey, waxaanu sheegay in ay ka maamul ahaan soo dhawaynayaan, sidoo kalena dhiiri-galinayaan Horumar kasta oo Dalkani ku tallaabsanayo.
Madaxwayne ku xigeenku waxa kale oo uu xusay in ay ugu haboontahay in Maal-galinta loogu horreysiiyo xaga Wax-soo saarka Beeraha, iyo in Nidaamkii hore wax laga badalo isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi.
‘Waa in Dadkeenii Aqoonyahanka ahaa ee Cilmiga dibadaha ka soo kordhistay, ee Aduunka ka soo kordhistay waa in ay wax ka badalaan Beertii uu Shalay ka tagay ee Hadhuudhka iyo Galaydii yarayd ee aynu beeran jirnay, iyo Sicii yaraa ee la daba-joogayey. Sida aynu wax uga badali karnaanaana waa Beertii aynu Roobka la sugaynay in aan Dhaamam u xidhnaa oo Lacagta aynu ku bixinayno Jagada 150,000$ (Boqol iyo Kontonka Kun ee Dollar) iyo Gaadhiga 100,000$ (Boqolka kun ee Dollar) aynu u weecino dhaamamka si aynu u soo saarno Waxsoo saar Muuqda’. Ayuu yidhi Madaxwayne Ku Xigeenku. Waxaanu hadalkiisa ku daray:-‘Marka hore hawsha waa la gala, waxaanay muhiimadu tahay in la ilaaliyo Sharciyada Shirkada gudaheeda iyo Maamul wanaageeda, si Khilaafka la iskaga ilaaliyo oo aanu Muran u iman. Dadkeenana waxaad moodaa in ay u soo bislaanayaan wax wada lahaanshihii’. Ayuu yidhi Mudane Saylici .
Maamulaha Shirkada Mina ee Biyaha Dr Cismaan Aw Yuusuf Magan oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey Warshadani inta Qof ee ku midoobay, Ujeedada ay u Aasaaseen, sida ay u shaqaynayso iyo heerarka ay Marayaan. Isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi Dr ku:-“Waxaa Warshadan ku midoobay ilaa Lix Qof oo Qurbe-joog u badan, Sadex ka mid ah waa Maqan yihiin, Sadex kalena waa joogaan, Ujeedada aanu u aas-aasnayna waa si ay Muwaadiniintu uga helaan Shaqo oo ilaa hada waxa ka hawl galay ku dhawaad Sodomeeyo Qof oo u badan Reer Gabiley”. Ayuu yidhi Dr Cismaan. Waxaanu hadalkiisa ku daray:”Laba jeer ayay Warshadani sifaynaysaa Biyaha ilaa Caagada la maydhana laguma shubayo Biyaha. Waana Warshad nooca ugu casriyeysan”.
Waxa isaguna Munaasibadan Xadhig-jarista ah ka hadlay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr Axmed Xaashi Oday. Oo tilmaamay Fursadaha ay dheertahay Shirkadani Shirkadaha kale ee Dalka, isaga oo Arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi:- ‘Wajaale waa Saylada ugu wayn ee Ganacsi, waxaana laga helaa Biyaha Shirkadaha dhamaantood, Shirkadani way ka fursad fiicnaanaysaa kuwaa kale oo dhan, Sababta oo ah kuwaa kale oo dhami Nool dheer ayay soo galayaan. Taasina waa idiin Fursad ee ka faa’iidaysta Todobaatanka Milyan ee aynu la jaarka nahay ee Itoobiya’. Ayuu yidhi Axmed Xaashi Oday.
Waxa Isaguna halkaa ka hadlay Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska C/risaaq Khaliif oo isaguna ku dheeraaday Siyaasada ay Dawladu ku qaabilayso Maal-gashiga Muwaadiniinta iyo Muhiimada ay leedahay in la maal-galiyo Dalka oo uu ka xusay in Fursado Shaqo oo badani ka Abuurmayaan Dalka oo Muwaadiniin badani ka hawlgali doonaan. Waxaanu Carabka ku dhuftay in Dawlad ahaan soo dhawaynayaan.
Waxa Iyaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Caaqil Axmed C/laahi Xareed, iyo Oday Cabdi Aw Cumar Kulmiye,