Pland Oo Gobolka Bari U Magacaabey Guddoomiy cusub

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Pland Oo Gobolka Bari U Magacaabey Guddoomiy cusub

Post by FBISOMALIA »

Image

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa wareegto uu soo saarey ku magacaabey guddoomiyaha cusub ee gobolka Bari kadib markii guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari uu xilka iska casiley dhamaadkii bishii Juun ee sanadkan.

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari
Madaxweynaha ayaa guddoomiye u magacaabey Ganacsade Cabdisamad Maxamed Galan oo kamid ahaa ganacsatada Gobolka Bari, isla markaana aan horey looga baran fagaaraha siyaasadda iyo maamulada dawladda, inkasta oo uu kamid ahaa ragii la shaqeynaayey Musharixii hore ee xilka Madaxweyne kuxigeenka Puntland Prof.Muxyadiin Cali Yusuf, isla markaana lagu arkaayey goobaha uu ololaha ka wado musharaxu, Mr. Galan oo khudbado ka jeedinaaya, waxaana uu meelo badan kala mid yahay guddoomiyihii hore Cabdixaafid Cali Yusuf, maadaama Guddoomiyaha cusub qudhiisu uu ka soo shaqeeyay arrimaha waxbarashada ee Gobolka Bari.

Wareegtada Madaxweynaha ayuu ku sheegay in magacaabista Guddoomiye Galan uu kala tashadey Wasiirka Arimaha Gudaha Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac sida uu qabo dastuurka Puntland.

Magacaabista Guddoomiyaha cusub ayaa maalmihii la soo dhaafey ahayd mid laga hadalhayey magaalada Bosaso

Gobolka Bari oo ay ku taalo magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaso, ayaa muddooyinkii la soo dhaafey waxa uu ahaa mid ay ka taagnaayeen mushkilado isugu jira dilal qorsheysan, iyo qaar kamid ah beelaha xurguftu u dhexayso oo magaalada dhexdeeda u soo wareejiyey mashaqooyinkii ku dhexmaray baadiyaasha fog-fog.

Guddoomiyaha cusub ayaa loga fadhiyaa in uu salka u dhigo xaaladda gobolka Bari isla markaana wax ka qabto horumarka gobolka.

Horseed Media
User avatar
kismayogedojubaland
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1115
Joined: Sun Jul 25, 2010 12:20 pm
Location: Ceelcade, Gedo, Jubbaland State of Somalia

Re: Pland Oo Gobolka Bari U Magacaabey Guddoomiy cusub

Post by kismayogedojubaland »

Is He Even a Somali? :| :lol: :lol:
User avatar
kismayogedojubaland
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1115
Joined: Sun Jul 25, 2010 12:20 pm
Location: Ceelcade, Gedo, Jubbaland State of Somalia

Re: Pland Oo Gobolka Bari U Magacaabey Guddoomiy cusub

Post by kismayogedojubaland »

kismayogedojubaland wrote:Is He Even a Somali? :| :lol: :lol:
No, he is a zambian descent. :mrgreen:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Pland Oo Gobolka Bari U Magacaabey Guddoomiy cusub

Post by FBISOMALIA »

first time in my all life i see someone reply and chat with himself are you feeling fine if not plz make check up as soon as possible :|
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”