Berbera port booming with commercial activities

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Berbera port booming with commercial activities

Post by Coeus »

Image
Dekedda Berbera oo la Camiran Maraakiib sida Badeecado kala duwan oo ku soo xidhatay iyo Xoolo ka dhoofaya
Hargeysa(Waaheen) Marsada ugu weyn Somaliland ee Berbera ayay hoganayaan Maraakiib sida Badeecado kala duwan oo isugu jira Bagaash iyo Raashinada kala duwan ee Bisha Ramadaan halka ay Maraakiib kale oo xoolo qaadaana maalin kasta ka goosanayaan Dekedaasi iyagoo sida Xoolo kala duwan.

Sida uu ku soo waramay mid ka mid ah dadka ku sugan magaaladaasi waxa durtaba laga dareemaya Dekedda Berbera wakhtigan camirnaan farabadan oo aanay lahaan jirin wakhtigan oo kale oo uu bilaabmi jiray bad xidhanka xagaagu kaasoo sababi jiray inay istaagaan dhamaan gaadiidka baddu, waxaanu dhaqdhaqaaqaasi sababay in ay iskugu yimaadaan Berbera Ganacsato kala duwan oo ay qaarkood cashuuranayaan Alaabaha u soo degay qaarkoodna ay dhoofinayaan Xoolaha loogu talagalay sanadkan Xajka kaasoo durtaba bilaabmay.

Arrintan ayaa waxay Yididdiilo galinaysaa Xukuumadda Somaliland oo cabsi weyn ka qabtay inay waayi doonto Cashuuraha ay ka hesho Maraakiibta sida badeecadaha kuwaasoo dhaqaalaha ay ka hesho ay inta badan ku dabarto kharashaadka maalin laha ah ee ay Dawladdu isticmaasho.

Sidoo kale waxay arrintani dajinaysaa qoysas badan oo wakhtigan ka bixi jiray kulaylka xagaaga oo ay la soo dersi jirtay shaqo la’aan, balse imika ay u muuqato inay sii joogi doonaan si ay uga xoogsadaan dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka jira Dekedda
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”