









Magaalada caaudwaaq waxaa ay dhacdaa waqooyiga gobolka galgaduud waana magaalada ugu sugkaanka badan guud ahaan gobolka galgaduud waxaana sidoo kale lagu tiriyaa in ay ka mid tahay magaalooyinka ugu dadka badan degmooyinka soomaaliya.
Degmada caabudwaaq ee waqooyiga galgaduud waxaa hoos yimaada oo ganacsigeeda ku xiran 101 tuulo kuwasoo ay ka mad yihiin tuulooyinka ka tirsan dhulka ismaamulka itoobiya ee loo yaqaano kilinka shanaad.
Magaalada caabudwaq waxaa ay caanku tahay xoolaha nool waxaana ku xeeran hareerahooda goobo daaqsineed waxaana marnaba laga waayin caanaha xoolaha iyo hilibkoodaba waana magaalo jawi ahaan aad u wanaagsan dadka ku noolna waa dad inta badan jecel nabada iyo hurumarka.
Magaalada caabudwaaq waxaa ka jira maamul hoos taga culumaa’udiinka ahlusunna waljameeca waxaana ka jira kala danbeeyn waxaadna markaad dhex timaado aad soo xasuusanaysaa xiligii dawladii dhex e ee dalka ay jirtay sida magaalada ay u dagan tahay dadkuna ay isku dhex marayaan iyadoon dhib ka jirin.
Magaalada caabudwaaq waxaa ka jira hurumar ganacsi kaasoo la dhihi karo waxaa uu maanta marayaa meeshii ugu sareeysay abid waxaana maanta aan soo sawirnay shirkad ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee ka shaqeeya degmada caabudwaaq shirkadasoo ah TAWFIIQ .
Tawfiiq General Trading waxaa ay iskugu irtaa qaybo badan waxaana ay ka ganacsataa Dharka Jumlada Bagaashka iyo Raashinka waxaana magaalada ay ku leedahay 12 baraanji kuwasoo ku kala yaala xaafadah magaalada Caabudwaaq.
Madaxa shirkada Tawfiiq General Trading Shiiq liibaan xaaji max’uud ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay hurumarka shirkadiisa waxaana uu badbaadonet u sheegay in uu jiro xawlo ganacsi islamarkaasna ay ku xiran yihiin Dubai ilaa jaban ganacsigooda waxaana uu intaas ku daray in ay jecel yihiin in ay sii balaariyaan xawligooda ganacsi tasoo uu shiiq liibaan ku sheegay in ay tahay hurumar aay gaartay shirkada Tawfiiq General Trading Abudwak.
Ma ahan shirkadaan kailiya shirkadaha magaalada ka shaqeeya ee waxaa ira ku dhawad 20 shirkadood oo sidaan oo kale ganacsi hurumarleh uga wada gudaha magaalada caabudwaaq waxaaa shirkadahaas ganacsigooda uu intabadan ku xiran yahay wadanka dibadiisa.
Hanaanka hurumarineed ee ganacsi ee haatan kasoo ifbaxaya gudaha magaalada caabudwaaq ayaa ah mid imaanaya xili qurbo joogta u dhalatay degmada caabudwaaq ay lacago xoogleh galiyeen ganacsiga magaalada taasoo ay uga gol leeyihiin in ay maal gashtan dhulkooda hooyo sidii uu horayna u yiri abwanku “waa lama huraan dhulkaaga hooyo”.
Iskusoo wada duub duuboo waxaa jira tartan dhanka ganacasiga ah kassoo ka dhex muuqda degmada caabudwaaq waxaadna markii aad dhex qaado goobaha ganacsiga aad ku arkeysaa xamaasada ganacsiga ee ka socota sidoo kale waxaad magaalada ku dhex arkasyaa dhismayaal dheedheer oo qaarkood ay yihiin dabaqyo oo laga dhisayo magaalada kuwasoo ay dhisanayaan qaar ka tirsan shirkadaha ganacsiga.
Waxaa kaloo xusid mudan in ayana wax laga sheego hamiga qaarka mid ah ganacsatada nagaalada kuwasoo wada qorshayaan ganacsi ay ku doonayaan in ay magaalada ka hirgalilyaan warashado sida warshada cabitaanka warshada joodariyasha iyo sidoo kale warshado yar yar oo kale kuwasoo sii tayayn lahaa hurmarka ganacsiga gobolka.
Ugu danbeeyntii dadka ka faalooda ganacsiga magaalada ayaa waxaa ay ku tilmaameen sanad kadib hadii la noolaado in ganacsiga magaalada caabudwaaq oo noqon karo mid laba jibaarma.
Max’ed C/laai Dayuurad Caabudwaaq Barnaamijka Ganacsiga