Badmaaxiyiin u dhashay Myanmar oo Puntland ku wareejisay QM

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Badmaaxiyiin u dhashay Myanmar oo Puntland ku wareejisay QM

Post by FBISOMALIA »

Image

Garoowe:-Dawladda Puntland ayaa maanta Qaramada Midoobay ku wareejisay bad-maaxiyiin u dhashay wadanka Myanmar oo horay loo oranjiray Parma kuwaas oo ttiradoodu dhamayd 14 qof.

Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) Agaasimaha Guud ee Ladagaalanka burcad-badeeda Puntland oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay in bishii 18.Apr.2010 badmaaxiyiin u dhashay wadanka Myanmar oo watay doon Kalluumaysi ay burcadbadeed ku qabsadeen deeganka Garacad dabadeedna muddo kadib markii dadka deegaanku ay sameeyeen wacyigalin ka dhan ah burcadbadeeda oo ay ka sifiyeen deegaanka ay la aadeen Ceel -hanaane oo aan Puntland hoos imaan, dabadeedna 12, July, 2010 ayay dagtay doonta sabab aan la garanayn sida uu sheegay Agaasimuhu.

Ducaysane, waxa uu sheegay in iyaka la soo gaarsiiyay 18, balse ay u sheegeen in ay markii hore ay ahaayeen 25 bad-maaxiyiin ah, waxayna sheegeen 18-kan in 6 ka mid ah ay dhinteen kadib markii ay cunayn Kiniini oo ay barareen. 5 ama 6 ayay ku sheegeen in ay maqan yihiin kuwaas oo kala ahaa Kabtankii, Injineerkii, Caawiyihii Injineerka iyo Maamule hase ahaatee qofka kale macada shaqadiisa iyo halka uu ku dambeeyo sida uu sheegay Agaasimuhu

Image

Mr. Ducaysane, waxa uu sheegay in maanta ay u yeereen hay’adda UNODS, madaxa Puntland ee UNDP iyo Saraakii kale kuwaas oo ay ku wareejiyeen 14-ka bad-maax si ay ugu sahlaan in ay dib ugu laabtaan wadankoodii, madaxa UNDP ee Puntland ayuu sheegay in isla goobtiiba uu badmaaxiyiinta eheladoodii la xiriirsiiyay ayna u sheegeen in ay bad-qabaan, waraysi ay madaxda hay’adaha la yeesheen badmaaxiyiinta ayay ku sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay intii la hayay oo aan wax jirdil ah loo gaysan.

Image

Sida uu sheegay Agaasimaha Ladagaalanka burcadbadeeddu bad-maaxiyiintan ayaa u dhashay wadanka Myanmar oo horay loo oranjira Parma ayaa waxay wataan seaman License laga leeyahay dalka Thailand waxayna codsadeen in dalka Thailand loo gudbiyo oo ay ku hormaraan.

M-wayne Faroole, ayaa sandguuradii asaaskii 13-aad ee Puntland xalay waxa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in aan la dagaalanto burcad-badeeda ayna caawiso cid-kasta oo dhibaataysan hadii ay yihiin Muwaadiniin iyo Ajaaniiba.

Puntlandpost.com
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Badmaaxiyiin u dhashay Myanmar oo Puntland ku wareejisay

Post by FBISOMALIA »

more pic

Image

Image

Image
User avatar
abdisamad3
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12628
Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
Location: Kismayo

Re: Badmaaxiyiin u dhashay Myanmar oo Puntland ku wareejisay

Post by abdisamad3 »

those fockers where stealing fish from somali waters, :down:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Badmaaxiyiin u dhashay Myanmar oo Puntland ku wareejisay

Post by FBISOMALIA »

abdisamad3 wrote:those fockers where stealing fish from somali waters, :down:
we do our job bro now its UN issue to deal with them , puntland ha nolato :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”