W.Hormarinta Haweenka Pland Waxqabadkii 2005 -2011

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

W.Hormarinta Haweenka Pland Waxqabadkii 2005 -2011

Post by FBISOMALIA »

Image

Garoowe:(Allpuntland)-Wasaarada Hormarinta haweenka iyo arimaha qoyska dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo la aas aasay sanadkii 2005-tii oo ahayd horaantii kalkii sadexaad ee Madaxweyne uu Puntland u noqday Jen.Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa maanta soo bandhigtay Buugaag ku saabsan waxqabadkii wasaaradaas kuwoodii ugu muhuumsanaa kuwaasoo lagu soo aruuriyey laguna soo kooban kuwoodii ugu muhiimsanaa si xogahaasi ay u noqdaan keyd qaran oo xisaabsan.

Buuga Waxqabadka Wasaarada hormarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee dawlada Puntland ayaa maanta ay si rasmi ah usoo bandhigtay Wasiirada wasaaradaas oo Warbaahinta u qaybisay buugan oo ka koobnaa Konton Bog kaasoo ay ku jireen macluumaad balaaran oo ku saabsan waxqabadkii Wasaaradaas, aasaaskeedii, waxyaabihii u hirgalay, hormarinta haweenka, tayeynta waxbarashada haweenka, doorka siyaasada haweenka ee heer degmo ilaa golayaasha sare ee dawlada iyo Macluumaad kale oo ku saabsan himilooyinka wasaarada iyo hiigsigeeda fog.

Image

Wasiirka Wasaarada Hormarinta haweenka iyo arimaha qoyska ee dawlada Puntland Marwo.Caasho Geelle Diiriye oo warbaahinta uga xog warayntay buugan ayaa sheegtay in ay ujeedadiisa rasmiga ahi tahay in cidkasta oo u baahan xogta wasaarada iyo waxyaabaha ay qabato ay si fudud u hesho islamarkaasna waxay sheegtay in hadii hogaanka imika ee Wasaarada jooga ay shaqada ka tagaan, fasax galaan ama ay si kale oo shaqada ay uga tagayaan ay dhacdo ay shaqo fududayn iyo xil gudbinba u noqonaysa hogaanka xigi doona iyaga, iyadoo sidoo kalena sheegtay in ay tusaale u noqonayaan wasaaradaha kale ee dalka iyo hay'adaha dalka ka howlgala.

Image

Marwo.Caasho Geelle Diiriye waxay sheegtay in Kontonka Bog ee ku qoran buugan kaliya uusan soo koobi karin waxqabadka Wasaaradaas oo mug iyo muuqba leh waxayse sheegtay in arimaha ugu muhiimsan ay kasoo qaateen xogaha wasaarada ee sida ay sheegtay buux dhaafiyey Armaajooyinka wasaarada, Waxay Wasiirku ugu danbayn mahadcelin u jeedisay dhamaan cidii kala qaybqaatay soo saarista iyo alifida buugan iyo sidoo kale hay'adaha caalamiga ah ee wasaarada la shaqaynayey mudii sanadaha ahayd ee ay jirtay.
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: W.Hormarinta Haweenka Pland Waxqabadkii 2005 -2011

Post by damu »

:clap: :clap: :clap: :clap:
:clap: :clap: :clap: :clap:
:clap: :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”