G.Cusub Gobolka Bari Maanta Maray Xarumaha Muhiimka Boosaso

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

G.Cusub Gobolka Bari Maanta Maray Xarumaha Muhiimka Boosaso

Post by FBISOMALIA »

Image

Boosaso ( RBC Radio) Maamulka cusub ee gobolka bari ayaa maanta booqasho ku kala bixiyay xarumaha kala duwan ee magalada boosaso, gaar ahaan Garoonka diyaaradaha,shirkada Korontadada,dawlada hoose iyo Qaybta Booliska Gobolka bari.C/samad maxmed Galan gudoomiyaha cusub ee gobolka bari ayaa markii ugu horeysay maanta waxaa uu booqasho ku tagay garoonka diyaaradaha ee magalada boosaso halkaasi oo ku soo dhaweyen maamulka garoonka iyo Shaqaalihiisa.Gudoomiye galan ayaa waxaa uu warbixin dheer ka dhageystay maareyaha garoonka diyaaradaha Boosaso C/qaadir maxmed Ismaaciil oo ka warbixiyay marxaladaha kala duwan ee garoonka soo maray iyo hada sida uu shaqeeyo.

Waxaana uu gudoomiyaha uu soo booqday qayabaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha Boosaso, halkaasi uu kula kulmay shaqaalaha xafiisyada iyo laamaha socdaalka ee halkaasi ku suagan.

Sidoo kale waxaa uu gudoomiyaha Gobolka bari uu tagay shirkada korontada Umadda ee Boosaso,waxaana ku soo dhaweyay maamulyaasha oo u sheegay habka ay u shaqeyso iyo waxa ka dhiman xiligan.

Isagoona cagta soo mariyay xarunta dawlada hoose ee Boosaso oo dhawaan gacanta laga qaaday halkaasi oo ku soo dhaweyen maamulka dawlada Hoose iyo shaqaalahooda oo ku bogaadiyay howsha culus ay wadaan.

Sidoo kale waxaa gudoomiyaha cusub ee gobolka Bari C/samad maxmed uu booqashadiisa saaka uu ku maray Cusbitaalka guud ee Magalada Boosaso, oo qayb ahaan haatan gacanta laga qaaday halkaasi uu kula kulmay maamulka cusbitaalka oo ku dheeraday marxaladaha uu soo maray boosaso hospital.

ugu danbeytiina gudoomiyaha ayaa shir jar’id saxaafada ugu qabtay xaruntiisa uu kaga warbixiyay meelaha uu soo maray iyo waxa uu ku soo arkay,isagoona ku dheeraday garoonka diyaaradaha ee boosaso oo sheegay in uu baahan yahay gacan buuxda in laga siiyo horumarintiisa.

Gaar ahaan dhinacyada korontada,biyaha iyo Wadada Diyaaradaha ku ordaan ee Run wayga isagoona sheegay in arintaasi dhawaan u kici doonan wax isku dayi doonan sidii loo heli lahaa dayac tir buuxa oo lagu sameyo garoonka oo ah isha dalka laga dheehan karo.

Waxaan uu kula dar daarmay gudoomiyaha meelaha dhamaan in ay sii laba jirabaaran howsha ay shacabka u hayaan Maamulkana gacan ka siin doono arimaha horumarinta.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”