TFG oo ku hanjabay in ay shabab Qudha ka jari doonaan

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

TFG oo ku hanjabay in ay shabab Qudha ka jari doonaan

Post by AhlulbaytSoldier »

Kadib markii Xarakada Al Shabaab ay inta badan
magaaladda Muqdisho ay iskaga baxday ayaa
waxay saraakiisha sar sare ee Dowladda
Soomaaliya ay noqdeen, kuwo si weyn u
qabsaday dhagaha shacabka ku dhaqan
magaaladda Muqdisho.
General Cali Caraaye Cosoble “Gacma Duulle”
oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee xoogga
dalka Soomaaliyeed ayaa wuxuu shaaca uu ka
qaaday, inay diyaar u yihiin inay kahor taggaan
fal kastaa oo wax u dhimi karaaya ammaanka.
General Cali Caraaye Cosoble ayaa wuxuu
tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in
Dowladda Soomaaliya ay si weyn uga shaqeyso
ammaanka qeybaha kala duwan ee magaaladda
Muqdisho, kolba haddii ay iskaga baxday
Xarakada Al Shabaab.
General Caraaye ayaa wuxuu tibaaxay in
Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay
diyaar u yihiin, inay wiiqaan koox kastaa oo uu
sheegay haddii ay lid ku tahay ammaanka, isla-
markaana wuxuu ku goodiyay ruuxii ammaanka
dhawri waayo, inaysan iyana dhawri doonin.
Gacma Duulle ayaa wuxuu xusay in ammaanka
uu yahay wax aan la- helli kareyn, isagoo
sheegay ruux kastaa oo ammaanka dhinaciisa
kaga soo xad- gudba inay la- tiigsan doonaan
sharciga, isla- markaana sida uu hadalka u
dhigay ay qudha ka jari doonaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Dowladda
Soomaaliya ay ka go’ an tahay inay sugto
ammaanka qeybaha kala duwan ee
magaaladda, oo muddo ku dhaw 21 sano aan
hellin ammaan wanaagsan , tan iyo markii ay
meesha ka baxday Dowladdii uu Madaxweynaha
ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad
Barre.
Iskusoo wada- duuboo General Cali Caraaye
Cosoble “Gacma Duulle” oo ka mid ah
saraakiisha sar sare ee xoogga dalka
Soomaaliyeed ayaa wuxuu ganacsatada, wax-
garad, culima’ udiinka iyo bulshada
Soomaaliyeed uu ugu baaqay, inay la-
shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”