
Dhismaha xaruntii Wasaaradda Boostada ayaa maanta lagu wareejiyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta.
Xaruntii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku taal degmada Boondheere islamrkaan bartanka ugu jirta Dhismayaal Dowladeed oo muhiim ah oo ay ka midyihiin Xarunta Wasaaradda Warshadaha oo Qorax ka soo bax uga dhagan xarunta Wasaaradda wax barashada oo ka xigta dhinac Qorax u dhaca xarunta Wasaarada Arimih Gudaha oo uga aadan dhanka waqooyin Hotelka Juba iyo Safaaradii Ruushka oo ay ka soo horjeedo Wasaaradu ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Mas’uuliyiinka ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo uu hor kacayay Wasiir ku xigeena wasaaradda C/llaahi Bile Nuur waxaana ku wareejiyay Mas’uuliyiin ka tirsan heyada nabadsugida Qaranka.
Ugu horeyn waxa halka ka hadlay Gaashaanle Dhexe Khaliif Axmed “ereg” waxuuna ku tilmaaya in muda ay gacanta ku hayeen xarunta Wasaaradda oo ay Amaankeeda sugayeen.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada C/llaahi Bile Nuur oo isna goobtaa ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradu ay ku shaqeyndoonto xarunta maanta ay la weereegen oo muda aynan Wasaaradu Gacanta ku heyn.
Xarunta Wasaaradda Boostada oo dayactir lagu sameeyey sanadkii 2008 ayaa saameeynin Dagaaladii ka dhacayay degmooyinka Boondheere, C/casiis, iyo Shibis, dhismaha xaruntun wa uu baadqabaa marka laga reebo rasaas iyo madaafiic ku soo dhacaday