Faroole oo Casumey waxgaradka Mudug

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Faroole oo Casumey waxgaradka Mudug

Post by FBISOMALIA »

Image

Waxgaradka gobolka Mudug oo dhowaanahan shir uga socdey magaalada garoowe ayaa caawa waxaa xarunta madaxtoyada Casumaad afureed u fidiyey madaxweynaha Puntland dr Cabrixaman Maxamed Faroole

Image

Kasokow ergadii kasocotay gobolka Mudug oo gaaraysey 50 qof waxaa sidoo kale marti qaadka kasoo qaybgaley madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen,Cabdi samed Cali shire,Gudoomiyaha barlamanka iyo qaar kamid ah golaha wasiirada Puntland

Image

Waxgaradka iyo aqoonyahanada Gobolka Mudug qayb ka mid ah oo ka hadashey goobta ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey madaxweynaha shirka usoo agaasimey waxayna balanqaadeen in ay fuliyaan dhamaan qodobadii kasoo baxay shirkii 4 maalmood garowe uga socdey iyagoona ku tilmaamey shirkaasi
inuu ahaa mid lagu guuleystey waxabadana la isku afgartey

Image

Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole oo isna lahadley Waxgaradka iyo cuqaashii kasocotay Mudug ayaa waxa uu balnqaadey waxqabad muuqda oo dawladiisu ka sameeso gobolka Mudug .

Dr Faroole waxa uu ku booriyey ergada Mudug in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka si losoo afjaro amni xumada waxana uu ku tilmaamey waxa aan la qaadan karin dadka ka yimaada koonfurta Soomaliya oo amni xumada kawada gobolka mudug.

Kulankan ay ku yeesheen labada dhinac ah xarunta madaxtoyada ayaa waxa gabagabo u ahaa kulamo isdabjoog ah oo 4-tii maalmood ee laso dhaafey kasocdey halkaasi waxana si wanaagsan usoo dhaweeyey qodobadii shirka kasoo baxay dadkii kasoo qaybgaley.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”