Baaq Taageeraya Go’aamada Golaha Odayaasha Buuhoodle
Qurbo joogta reer Buuhoodle ee Yurub iyo waqooyiga Ameerika waxay aad uga xunyihiin, kooxda aan dhaqanka iyo toliimada midnaba xeerinaynin, ee fidmada iyo qalalaasaha debedaha laga abaabulay u dhoofiyey ee geeyey Buuhoodle.
Waxaanu si buuxda u taageeraynaa hiil iyo hoona la garabtaaganahay go’aamada waxku’oolka ah ee ay madax dhaqameedyada, masuuliyiinta gobolka, cullumada diinta, ganacsatada, ciidamada iyo waxgaradka Buuhoodle ka gaadheen dulmiga iyo gefka loola soo badheedhay dad iyo degaan nabad ah.
Waxaanu tolwaynaha guud iyo dhamaan beelaha gobolka cayn degan qoraalkan ugu caddaynaynaa in kooxda fidmada wadda ee Buuhoodle tagtay aanay la talo ahayn, matalaynin ama ka socon qurbajoogta reer Buuhoodle ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
Waxaanu idinku adkaynaynaa oo idinku garabtaaganahay inaad si buuxda u fulisaan go’aamada aad gaadheen oo ah kuwo dadkiina iyo degaankiinaba anfacaya. Go’aamada aad gaadheen ee aanu taageerinaa waa kuwan hoosta ku qoran:
Waxaanu soo dhowaynaynaa wixii beesha dhulbahante wanaageedda ah khilaafkana ka dhexsaaraya,
• Dhulbahantaha Gobolka cayn ku nooli waa midaysanyahay wax khilaaf ahina ma dhexyaal. Wixii xalkeenaya ee aad wadaan u geeya dadka iyo degaamada dhulbahante ee khilaafku ka jiro.
• Shirka aad leedihiin waanu u gogol xaadhaynaa kuma haboona laguna qabanmaayo Buuhoodle. Waa inaad uga gogol xaadhaan degaamada uu khilaafku ka jiro ee aad u socotaan.
Qurbajoogta reer Buuhoodle ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Iyo dhamaan qurbajoogta SSC ee go’aamadan taageersan.
1. Aden Garad Soofe
2. Ahmed dualle darwiish
3. Ibraahim Ali Suudi
4. Maxamed Ali Qanbi
5. Maxamed Ali Caateeye
6. Maxamed Xaaji Xaashi
7. Ahmed Mohamud Xadule
8. Mohamed Muhumed X. Diriye
9. Abdillahi Ahmed Jama (Guray Raabi)
10. Sheikk Mohamud Ali Farah(Wayl)
11. W/G Mohamed Abdullahi Abokor
12. Abdi Hassan Qanbi
13. Ahmed maxamed Jaamac
14. Eng. Cabdillahi cali saleebaan Gani
15. Eng. Maxamed Diiriye Gamadiid
16. Axmed Cabdiruur Aadan (Gadhle)
17. Maxamuud Xasan Caydhboob
18. Maxamuud Hadhi(Mowmow)
19. Cabdirisaaq Cabdillaahi X. cumar
20. Ahmed Abdi Duale Darvish
21. 15Axmed Cawaale (Axmed Biid)
22. Cabdirashiid Sheekh Cusmaan Sheikh Cumar
23. Axmed Maxamed Xaaji Ducaale
24. Rashaad Sheekh cusmaan Sheikh Omar
25. Cali X. Cabdi Cumar Shaacuur
26. Cabdirisaaq Cabdilaahi Hangool
27. .Khatin Cabdillaahi Maxamuud
28. Keef Ali Qambi
29. Maxamed Cabdalle Kooreeye
30. Keenadiid Cawil Cabdi Hiirad
31. Kaysar Mixile Xiiray
32. Shukri Cabdi Dhuxul
33. Ibrahim Abdi Suleiman
34. Ismail Farah Moalin
35. Farah Adani Ahmed X. Farah
36. Ahmed Ahakir Abdi Xafid
Source:
http://www.buhodlepost.com/?p=7070