Ciidamada gaarka oo ku guuldareystay inay qaadaan Jidgooyooyin yaalay Wada Jir, dibna loo soo caabiyay
Ciidamada isku dhafka ee Dowladda KMG u xilsaartay sugida Ammaanka iyo qaadista jidgooyooyinka ayaa caqabadii u horeysay la kulmay, kadib markii lagala hor yimid howl galo maanta ay ku qaadayeen Jidgooyooyin gaadiidka looga qaado lacago sharci daro ah oo u yaala Maleeshiyo deegaanka oo ka amar qaata Maamulka degmada Wada Jir.
Ciidamada oo isugu jiray Milateri, Nabadsugid, iyo Boolis ayaa markii hore soo kala eryay maleeshiyooyin ku sugnaa agagaarka Macruuf ee Xaafada Buulo Xuubey, halkaas oo jidgooyo u taalay, waxaana Ciidamada gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah raggii ku sugnaa iyo hubkoodi.
Intaas kadib ayaa Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka oo u soo dhaqaaqay dhinaca Isgoyska Danwadaagta ayaa waxay iska caabin kala kulmeen Maleeshiyadii deegaanka aheyd ee ku sugneyd halkaas, iyadoo uu dhacay dagaal muddo saacad socday.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa lix ruux ay ku dhinteen oo labo ka mid ah ahaayeen Ciidamadii weerarka soo qaaday, inta kalena ay isugu jireen maleeshiyaadka iyo dad rayid ah.
Xaalada oo noqotay mid cakirantay ayaa waxay keentay inay dib isu soo abaabulaan Maleeshiyaadka, iyagoo helay Gurmad xaafadaha uga yimid, waxaana ay dib u caabiyeen Ciidamada Dowladda, waxaana intii dagaalka socday xirmay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka Gaadiidka.
Maleeshiyaadka deegaanka ayaa goor dhow dib ugu soo laabteen jidgooyooyinkooda, iyadoo uu fashilmay isku daygii koowaad ee ay ku doonayeen Ciidamada Dowladda inay kaga qaadaan isbaarada.
Gudoomiyaha degmada Wada Jir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa ku eedeeyay Ciidamada Dowladda inay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Ilaalada degmada, isagoo sheegay in Ciidamadaas ay boob ka geysteen goobo ganacsi, isagoo xusay inay qal qal geliyaan degenaanshaha degmada ka jirtay.
Degmada Madiina ayaa ah degmo si buuxda gacanta ugu hayaan Maamul deegaaneed u abaabulan hab beeleed, iyadoo ka kala howl gala Dharkeenley iyo Wada Jir, waxaa yaala isbaarooyin gaadiidka lacago looga qaado, laakiin Maamulka degmooyinkaas ayaa sheega in lacagaha wax looga qabto ammaanka degmada, isla markaana uu ammaanka yahay mid buuxda oo la isku haleyn karo.
Militia of Warlord Axmed Daaci vs Sharif's boys
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Militia of Warlord Axmed Daaci vs Sharif's boys
HutuKing01 wrote:Ciidamada isku dhafka ee Dowladda KMG u xilsaartay sugida Ammaanka iyo qaadista jidgooyooyinka ayaa caqabadii u horeysay la kulmay, kadib markii lagala hor yimid howl galo maanta ay ku qaadayeen Jidgooyooyin gaadiidka looga qaado lacago sharci daro ah oo u yaala Maleeshiyo deegaanka oo ka amar qaata Maamulka degmada Wada Jir.
.
Life back to normal in Xamar

Re: Militia of Warlord Axmed Daaci vs Sharif's boys
Back to Isbaaro II,coming soon.
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2910
- Joined: Mon Apr 04, 2011 2:39 am
- Location: SNET's Resident Boogeyman
Re: Militia of Warlord Axmed Daaci vs Sharif's boys
Some folks are just pathetic and sadistic wallahi 

Re: Militia of Warlord Axmed Daaci vs Sharif's boys
One has to accept that pretending can`t last that long. How can Hyena help himself having spots. 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 43 Views
-
Last post by zidane88
-
- 8 Replies
- 759 Views
-
Last post by SecretAgent
-
- 1 Replies
- 403 Views
-
Last post by Somaliman50
-
- 26 Replies
- 1669 Views
-
Last post by Brobaganda
-
- 40 Replies
- 4455 Views
-
Last post by Shirib
-
- 4 Replies
- 918 Views
-
Last post by EastAfrica
-
- 1 Replies
- 425 Views
-
Last post by Difaaciye1013
-
- 0 Replies
- 378 Views
-
Last post by Xaljecel
-
- 12 Replies
- 1920 Views
-
Last post by MrSinister
-
- 0 Replies
- 500 Views
-
Last post by ruralboy