Waxaa maanta oo (salaasa) ah taariikhduna ku beegan tahay 27/9/2011 si rasmi ah loo furay qayb cusub oo dhowaan lagu soo biiriyey cusbataalka guud ee magaalada Boosaaso.
Dhismahan oo ah mid aad u qurux badan islamarkaana ka kooban qaybo loogu tala galay in la jiifiyo dadka bukaanada ah , iyo qayb xafiisyada cusbataalka laga dhigi doono ayaa waxaa dhismihiisa iska kaashaday qaar kamid ah ganacsatada Puntland iyo Rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland.
Munaasabadii dhisma cusub ee cusbataalka Boosaaso lagu soo kordhiyey xarigaga lagaga jarayey oo lagu soo beegay imaatinka dhakhaatiirta Turkishka ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdilaahi Warsame , Gudoomiyaha rugta ganacsiga Maxamuud Xayir Ibraahim , iyo Gudomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan.
Sidoo kale waxaa munaasabadaas goob joog ka haa qaar kamid ah ganacsatadii ganacta ka geystey hirgelinta dhismahan oo ay kamid yihiin Ismaaciil Cabdisalaan iyo Cabdiladiif Yuusuf Barre , iyo Mas’uuliyiin ka socda shirkada Isgaarsiinta ee Golis oo iyaduna kaalin fiican ka qaadatay hirgelinta qaybta cusub ee cusbataalka guud ee magaalada Boosaaso lagu soo kordhiyey.
Si kastaba ha ahaatee dhismaha lagu soo biiriyey cusbataalka guud ee (Bender Qasim) Hospital ayaa ah mid la rumeysan yahay in waxabadan uu ka tari karo habsami usocodka shaqo ee cusbataalka waxaana talaabada ay ganacsatada Puntland qaadeen si aad ah u soo dhoweeyey guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso.
Bosaso: Qayb cusub oo lagu soo kordhiyey Cusbataalka
Moderator: Moderators
- damu
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Bosaso: Qayb cusub oo lagu soo kordhiyey Cusbataalka
- Monk-of-Mogadishu
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4962
- Joined: Mon Oct 08, 2007 1:06 pm
- Location: The thought of gemini07 and her family getting rich sends chills down my spine
Re: Bosaso: Qayb cusub oo lagu soo kordhiyey Cusbataalka
NICE!
It was built by a local company, that's excellent. Also big ups to Turkey for providing doctors and equipment.
It was built by a local company, that's excellent. Also big ups to Turkey for providing doctors and equipment.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 535 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 2 Replies
- 760 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 651 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 1056 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 4 Replies
- 1487 Views
-
Last post by Alphamale1
-
- 3 Replies
- 616 Views
-
Last post by Amilla
-
- 4 Replies
- 2976 Views
-
Last post by 1_londoner
-
- 27 Replies
- 1333 Views
-
Last post by Cusmano
-
- 0 Replies
- 362 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 2 Replies
- 1415 Views
-
Last post by Cali_Gaab







