Ciidamo si gaar ah loo soo tababaray oo loo keenay dowladda KMG, lana geeyay gobolka Gedo
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ciidamo si gaar ah loogu soo tababaray dowladda KMG, isla markaasna lagu soo tababaray gudaha dalka Itoobiya ayaa shalay la geeyay deegaano ka tirsan gobolka Gedo, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 1000-askari.
Sida warku sheegayo ciidamadan lagu soo tababaray dalka Itoobiya ee tiradooda lagu sheegay kunka askari ayaa waxay shalay soo gaareen degmada doolow ee gobolka Gedo, kuwaas oo sida la sheegay ku biiraya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee horey halkaasi u joogay.
Tagitaanka ciidamadaasi ee degmada Doolow ayaa la sheegay inay ku soo aaday iyadoo sidoo kale ay halkaasi gaareen Xildhibaano ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, kuwaas oo sida la sheegay halkaasi u tagay inay kulamo la yeeshaan saraakiisha ciidamada dowladda KMG, ayna soo qiimeeyaan xaladda nololeed ee dadweynaha halkaasi ku sugan.
Sidoo kale tagitaanka ciidamadan ee degmada Doolow ayaa ku soo aaday iyadoo ay gobolka ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo dhowr jeer oo hore ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Dagaalkii ugu dambeeyay ee labada dhinac dhexmaray ayaa ka dhacay degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo halkaas oo ay dagaal kula wareegeen ciidamada Xarakada Al-shabaab, balse markii dambe ay si kood ah uga baxeen, iyadoo labada dhinac ay dagaalkaasi ka sheegteen guulo milleteri.
Si kasta oo ay ahaataba ma aha markii ugu horeysya oo ciidamo ka socda dowladda KMG Soomaalidya laguna soo tababaray dalalka deriska ah la geeyo deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka, Gedo iyo deegaanada hoosyimaada ee ku yaala xuduudda, waxaana xusid mudan in weli deegaano ka tirsan gobolka Gedo ay ka arrimiyaan ciidamada Xarakada Al-shababaab.
http://dayniilecom.com/September2011/26September2.htm
