Dhismaha Jidka Dawga-cad ee Waqooyiga Hargeysa oo Wejigiisii labaad la Dhammeeyey
Hargeysa (Waaheen)- Wejigii labaad ee mashruuc dadweynuhu iska kaashaday oo lagu dhisayo jidka Dawga-cad oo isku xidha magaalada Hargeysa iyo degaannada xeebta ilaa dalka Jabuuti, ayaa si guul ah u soo gebogaboobay.
Mashruucan oo ay hirgeliyeen guddi ka kooban dad aqoonyahan iyo ganacsato reer Hargeysa, lana bilaabay badhtamihii bishii Ramadaan, waxa ballaadhin iyo bannayn lagu sameeyey qiyaas ka badan 6km oo ah buurta dawga oo hore u ahayd wado cabirkeedu yahay waxaan ka badnayn 2m oo isticmaalkeedu aad ugu dhib badnaa gaadiid kooban oo mari jiray, balse hadda waxa laga dhigay wado 10m oo dhawr baabuur isku dhaafi karaan kadib markii hawlgal culus oo miinooyin loo adeegsaday lagu jebiyey buurta.
Munaasibad lagu soo gunaanaday wejiga labaad oo hawlganka oo lagu sameeyey qaybta loo yaqaan Camuud oo ah meesha ugu adkayd, isla markaana lagaga tashanayey bilowga wejiga saddexaad oo la doonayo in jidka lagaga dhigo laami daamur ah, ayaa Axadii toddobaadkan lagu qabtay dawgaasi, waxaanna ka qaybgalay masuuliyiin dawladda ka tirsan oo ay ka mid yihiin wasiiro, xubnaha guddiga dhismaha Dawga-cad, ururka horumarinta haweenka ee Gobaad, shirkadaha iska kaashanaya samaynta jidka iyo marti sharaf kale.
Xubnaha Guddiga samaynta wadadan ayaa ka waramay heerarkii ay la soo mareen samaynta jidkan oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid istaraatiji ah oo muhiimad weyn leh, hase ahaatee isticmaalkiisu khatar ahaa oo ay ka dhasheen khasaare badan oo naf iyo maalba leh, kaas oo hadda dadaal u geli doonaan sidii looga dhigi lahaa laami si aannu u baabi’in tacabkii galay.
Ugu horreyn Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo ka mid Guddiga dhismaha jidka, ayaa sheegay in ay ku faraxsan dhammaadka wejiga labaad ee Jidkan, isaga oo mahadnaq u jeediyey Ilaahay iyo cid kasta oo ka qaybqaadatay hawlgalka wax lagaga qabtay, gaar ahaan Guddoomiyaha guddidaasi Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ah mulkiilaha huteelka Maansoor oo uu sheegay inuu kaalinta ugu weyn ka qaatay iyo ururka horumarka haweenka ee Gobaad.
“Wejigii kowaad si fiican oo degdeg ah ayuu inoogu dhammaaday, laakiin dhamaystirkiisu wuxuu noqonayaa iyadoo laami laga dhigo haddii kale waxay noqonaysaa wax kala dhiman oo roobku baabiinayo,” ayuu yidhi Sheekhu.
Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xirsi (Aaden Siiro), ayaa isna ka sheekeeyay faa’idada jidkani u leeyahay degaanka iyo isu socodka shacabka Somaliland iyo Djabuuti, waxaanu tilmaamay inuu u qalmo in wakhti iyo hanta badanba la geliyo.
Waxa kale oo Sheekhu u duceeyay guud ahaan dadkii ka qaybqaatay dhismaha jidkan, waxaannu yidhi, “Shillinka jidkaasi ku baxa Ilaahay waxa uu libinlaabayaa ilaa toddo boqol oo jeer, markaa walaalayaal waxaan ugu baaqayaa in shacabku gaar ahaan dadka ay khusayso arrintani ka qaybqaataan, waynu qaban karaynaa oo hantidii waynu haynaa ee dawgaasi inta aanay roobabku iman aynu laamida saarno.”
Xuseen Cabdi Cilmi oo ah Injineer ka tirsan hay’adda Waddooyinka oo isna munaasibadaasi ka hadlay, ayaa sheegay in waddooyinku yihiin furaha horumarka dalka, sidaa daraadeedna ay dadaal badan ugu jiraan sidii loo samayn lahaa kuwa halbawlaha ah, “Dawga-cad waxay ka mid tahay waddooyinka halbowlaha ah, waayo wado goboleed oo waxay xidhiidhinaysaa Hargeysa, Ceel-sheekh, Bullaxaar, Berbera, Saylac ilaa Jabuuti, hay’ad waddooyin ahaan marka horeba waxa samaynteedu noogu jirtaa qorshaha shanta sanno,” ayuu yidhi Eng. Xuseen Cabdi Cilmi.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Dhismaha Dawga-cad Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, ayaa xusay in markii ay bilaabayeen hawsha dhismaha loo arkayey wax aad u adag oo aan la samayn karayn, balse ay hadda muuqato wax kasta oo dadaal la geliyaa inuu midho-dhal leeyahay. Waxaannu u mahadnaqay shirkadaha iyo hay’adaha fuliyey hawlgalka lagu ballaadhiyey jidka.
Cabdiqaadir Xaashi waxa uu sheegay in aan qorshahoodu ku koobnayn samaynta wadadan, balse ‘buu’ yidhi, “waa in waqooyi (degaanka) sare loo qaado oo uu noqdo geed la hadhsado Ilaahay ha inala qabto.”
Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Cabdi Siciid Faahiye oo ka mid ahaa masuuliyiinta goobta ka hadlay, ayaa waxqabadka dadweynaha ee lagu sameeyey jidkaasi ku tilmaamay horumar weyn, waxaannu tilmaamay in dawlad ahaan wixii karaankooda ah la garab taagan yihiin dayactirka dawgaasi.
Wasiirku waxa uu si gaar ah u ballanqaaday, “Wadadan Somaliland oo keliya ma marto ee reer Jabuutina way maraan, waana walaalaheen oo waxa laga yaabaa in dadka ku naf iyo maalba waayey ay reer Jabuuti u bataan, markaa anigu waxaan rajaynaa oo aan guddiga u sheegayaa in aan kaalintayda ka qaato oo reer Jabuuti idinku soo xidho, si hawshaasi ay wax idinkala qabtaan.”
Ugu dambayntii Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, ayaa tilmaamay in samaynta jidka Dawga-cad muhiim u yahay fursad maalgashi oo taal degaanka xeebta Waqooyiga Hargeysa.
“Dhulkii Ilaahay meel walba waa la qaybsaday laakiin dhulka waqooyiga (degaanka waqooyiga Hargeysa ilaa xeebta) waa mid aynu cid kasta oo maalgashanaysa ku soo dhawayn karno haddii beer xoolaad laga dhigo ama mashruuc milix, macdan iyo shidaal qodis laga baadho waa meesha keliya ee kaydka inoo ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Dr. Axmed Xaashi Oday.
Waxa kale oo madashaasi ka hadlay Guddoomiyaha hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, Guddoomiyaha hay’adda Miino-saarka Aadan Axmed Mooge (Kanadi), Guddoomiyaha ururka GOBAAD Marwo Xaliimo Cali Muuse, madaxda iyo injineerada shirkadaha fulinaya mashruuca, kuwaas oo ka hadlay muhiimada jidkani leeyahay iyo faa’iidada wax-wadaqabsigu leeyahay.
Hargeysa Community Finalize road Construction
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Hargeysa Community Finalize road Construction
Are you really expecting folks to read that ? 

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- SomaliNetizen
- Posts: 636
- Joined: Sat Sep 10, 2011 9:02 am
- Location: Hargeisa
Re: Hargeysa Community Finalize road Construction
Guddoomiye (The General) I actually took the time to read all of that, so as a devoted, perspicuous, die-hard Somalilander I believe it’s only right that I should be part of the admirable Somaliland squad..so am I in?
I’ll even teach Hargeeysa how to differentiate between his P’s and B’s...ala maxaan wadankayga jec lahay


I’ll even teach Hargeeysa how to differentiate between his P’s and B’s...ala maxaan wadankayga jec lahay

- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Hargeysa Community Finalize road Construction
I’ll even teach Hargeeysa how to differentiate between his P’s and B’s



-
- SomaliNetizen
- Posts: 636
- Joined: Sat Sep 10, 2011 9:02 am
- Location: Hargeisa
Re: Hargeysa Community Finalize road Construction
Seemeyer...I'll do it for the team... 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 6894 Views
-
Last post by Strategic
-
- 7 Replies
- 1120 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 10 Replies
- 2026 Views
-
Last post by SuldaanOfSanaag
-
- 104 Replies
- 57563 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 2 Replies
- 1133 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 1 Replies
- 960 Views
-
Last post by damu
-
- 0 Replies
- 781 Views
-
Last post by Publicopinion
-
- 0 Replies
- 887 Views
-
Last post by thegoodshepherd
-
- 3 Replies
- 1143 Views
-
Last post by whitehartlane
-
- 5 Replies
- 14026 Views
-
Last post by PrinceNugaalHawd