Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee caasimada dowlada Puntland ka dhoofay dufcaddii ugu horeysey ee Xujey ah kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badnayd oo abid magaalada Garoowe hal mar ka dhoofa.
Xujeydan oo ay tiradoodu 150-qof oo Rag iyo Dumar isugu jira tahay ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha kusii sagootiyey Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Garoowe , Culimaa’uddiin , iyo boqolaal qof oo kale ee isugu jira ehelada iyo asxaabta xujeydaas maanta dhoofay.
Sanad walba marka la gaaro Mawsimka Xajka waxaa deeganada Puntladn iyo guud ahaan Soomaaliya ka dhoofa boqolaal Soomaali ah kuwaas oo u boqoola dhanka dalka Sucuudiga si ay usoo booqdaan Magaalada Makka una soo gutaan Cibaadada ciddii awoodda waajibka ku ah ee Xajka.
Waxaana tirakoob ay sameeyeen qaar kamid ah Shirkadaha duulimaadyada ee Xujeyda daabulaa lagu ogaaday in tirada dadka Soomaalida ah ee Xajka aadayaa ay soo kordheyso sanadba sanaka ka danbeysa arintaas oo la sheegay in ay ugu wacan tahay helitaanka Fiisaha xajka , Duulimaadyada , iyo Hagidda wanaagsan oo waayadii hore aan sidaa u badneyni ay xiligan yihiin kuwo ay fududahay in meel walba oo dalka ka mid ah si fudud looga helo.
Waa dufacadii ugu horeysey ee Xujey ah ee Mowsimkan ka dhoofa deegaanada Puntland waxaana Saacadaha iyo ayaamaha soo fool leh sidan oo kale magaalooyinka waaweyn ee Puntland ugu dhoofi doono boqolaal kale oo xujey kuwaas oo doonaya inay soo gutaan Waajibka Diiniga ah ee xajka.
Horseed Media
PL first Dufcaddii Xujeyda to KSA
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: PL first Dufcaddii Xujeyda to KSA


Wakiilka Shirkadda Diyaaradaha ee Garoowe Mr. Cabdinuur Gaadayare

Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee PL oo ka mid ah Xujayda Sanadkan
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 180 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 205 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 0 Replies
- 178 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 386 Views
-
Last post by FBISOMALIA