bossaso port expand

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

bossaso port expand

Post by FBISOMALIA »

Boosaaso:-Waxaa todobaadkan la burburshay xaafado ku egyaalay Dakadda Boosaaso Nec Fish Ilaa iyo Wasaaradda Maaliyadda waxaana la sheegay in la doonayo in lagu ballaariyo Dakadda si ay shaqada ay Ummadda u hayso loo ballaariyo.

Maamulaha Hawgalka Dakada Boosaaso Burhaan Xusseen Aw-nuur oo dhawaan Puntlandpost u sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay in Dakada la hagaajiyay qaybo badan oo ka mid ah sida qaybta badeecadaha iyo qaybta Maraakiibta dhawaan la buburin doono xaafadaha Nec fish illaa iyo Wasaaradda Maaliyda si loo ballaariyo.

Balaarinta Dakada Boosaaso ayaa waxay qayb-wayn ka qaadan doontaa hawasha ballaaran ee ay Dakaddu u hayso Ummadda Puntland waana isha ugu wayn ee dhaqaalaaha Puntland uga soo xaroodo.

Dawladda hada jirta madaxdeeda ayaa in badan ku celcelisay in Boosaaso aysan helin abaalka ay Ummadda reer Puntland ku lahayd taas oo macnaheedu yahay in aan wax badan laga qaban mashaariicda waawayn ee dadka waxtarka u ah sida Dakada oo kale.

Axmed Cabdisalaan

Puntlandpost.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”