Kenyan Deputy Speaker on Sh Sharif

Somali government affairs.

Moderator: Moderators

Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Kenyan Deputy Speaker on Sh Sharif

Post by Executive »

Sh Sharif caadi ma ahaan, I take back what I said about him on the Kenya issue. :down:


Image
Listen here: :arrow:


Kenya oo canbaaraysey hadalkii maanta ka soo yeerey madaxwayne Shiikh Shariif.


Dowladda Kenya ayaa markii ugu horaysey shaacisey in hawlgaladda ay ciidamadda Milatariga ee Kenya ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya uu yimid kadib markii masuuliyiinta DKM ee Soomaaliya ay ka heleen ogolaansho buuxda oo cadaynaysa in dowladda Kenya ay ciidamadeeda u diri karto dalka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa sheegey xili uu la hadlayey idaacadda Garowe in hawlgaladda ay Soomaaliya ka wadaan Milatariga Kenya uu yimid,kadib markii madaxwaynaha DKM ee Soomaaliya uu xafiiskiisa warqad ogolaansho ah ka soo saarey,kadibna ay warqadaasi si wada jir ah u wada saxiixeen wasiirka Gaashandhiga Yuusuf Xaaji iyo raysul-wasaaraha DKM ee Soomaaliya,sidaasina ay ku soo galeen ciidamadda Kenya gudaha dalka Soomaaliya.

Faarax Macalin ayaa sidoo kale sheegey in warqadaasi Copy-geedi ay gacanta ku hayaan baarlamaanka Kenya,islamarkaana ay ka doodeen xildhibaanadda Kenya,sidaasina lagu ansixiyey hawlgaladda ciidamadda Kenya ee ay Soomaaliya ka wadaan kuwaasi oo ku salaynsan la dagaalanka Kooxdda Alshaab.

Waxa sidoo kale uu canbaareeyey gudoomiye ku xigeenka baaralamaanka Kenya,madaxwayne Shiikh Shariif oo u ku tilmaamey nin aysan ismaqlin afkiisa iyo dhagihiisu,isagoo sheegey in caalamku la socddo taageerida ay Kenya sii so xukuumadda Shiikh Shariif,ugu danbayna waxa uu xusey Faarax Macalin in DKM ay ku qanacsan tahey oo kaliya ciidamadda Amison ee Muqdisho ku sugan,islamarkaana maalin kasta la’laayo dadka maatada iyo ardaydda ah.

18 bishan ayaa magaladda Muqdisho waxa soo gaarey wafdi ka socdda dowladda Kenya oo ay kamid yihiin wasiiradda Gaashandhiga iyo arimaha dibadda ee Kenya,kuwaasi oo shirar la yeeshey masuuliyiinta DKM ee Soomaaliya islamarkaana ka wada hadley hawlagaladda ciidamadda Kenya ay ka bilaabeen gudaha dalka Soomaaliya,waxaase muuqata in hadalo kala duwan ay ka soo baxayaan hawlagaladda ka dhanka Alshaab oo ay Kenya ka bilowdey gudaha dalka Soomaaliya.
makumba59
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 635
Joined: Mon Jan 02, 2006 10:01 pm
Location: Goa

Re: Kenyan Deputy Speaker on Sh Sharif

Post by makumba59 »

Kenyan Lawmaker Defends Somalia Incursion


In an interview Tuesday with VOA's Somali Service, Deputy Speaker of Parliament Farah Moallim said the comments of Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed do not reflect the interest of the Somali people.


http://www.voanews.com/english/news/Ken ... 23833.html
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somali Government”