"Axmed Madoobe waxaan leeyahay Kenya dantaada ma waddo ee waxay rabtaa inay Jubooyinka ku darsato dalkeeda" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo ku booriyay Axmed Madoobe inuu ka fiirsado taageerada ciidamada Dowladda Kenya, wuxuuna Sheekh Xasan Daahir caddeeyay in dowladaha deriska la ah Soomaaliya ay doonayaan inay dalka Soomaaliya kala qeyb qeybiyaan si qeyb kastaba wadan deris ah u xukumo.
Dadweynaha isugu soo baxay dibadbaxyada oo ay ka muuqatay inaysan la dhacsaneyn khudbadda iyo ujeedada isu soo bixitaanka maleeshiyada ururka Al-Shabaab uu ku khasbay ayaa dhageysanayay, iyadoo xilliyada qaarkood horjoogayaasha Shabaab ay dadweynaha ku khasbayeen inay takbiirta qaadaan.
"Axmed Madoobow Kenya dantaada ma waddo, qolada magaca xun leh ee Azaaniya Yahuud ayay wakiil uga yihiin Soomaaliya" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo khudbadiisa laga dareemayay caro xoog leh, wuxuuna Prof. Gaandiga Guddoomiyaha ka ah ururka Azaaniya ku tilmaamay inuu yahay shaqsi had iyo goor Soomaalida ku tilmaama inay Yahuud ka soo jeedaan.


