Exclusive Jubbaland Conference takes place in Doolow

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Exclusive Jubbaland Conference takes place in Doolow

Post by XimanJaale »

Ammaanka iyo horumarka gobolka Gedo oo laga shirayo

Kulan looga hadlayo sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka iyo horumarka gobolka Gedo ayaa maanta ka furmay degmada Doolow oo ka tirsan gobolkaasi, kaasoo ay maalgalineyso hay’ad ka shaqeysa arrimaha ammaanka iyo horumarinta oo ka dhisan dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, sida guddiga dib-u heshiisiinta, guddiga xallinta khilaafaadka xudduudaha, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka socday caalamka

Kulanka ayaa socon doona muddo afar maalmood ah, waxaana diiradda lagu saarayaa arrimaha ammaanka iyo horumarka ee deegaannada ay dhowaan ciidamada dowladdu ka saareen maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka Gedo.

Xildhibaan Maxamuud Sayid ayaa Bar-kulan u sheegay in go’aannada ka soo baxa kullanka loo dhaqan gelin doono sida ugu dhaqsiyaha badan, si horumar weyn looga gaaro gobolka Gedo oo muddo dheer ay ka jireen dagaallo iyo abaaro saameeyay dadka iyo duunyada.
http://www.bar-kulan.com/2011/10/31/amm ... a-shirayo/
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”