Harti nimaan Aqoon (Sayid Mohamed)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Sultan-Kenadiid-of-Hobyo
Posts: 184
Joined: Sun Apr 03, 2005 5:29 pm
Location: Gedo, Galgadud, Kismayo.

Harti nimaan Aqoon (Sayid Mohamed)

Post by Sultan-Kenadiid-of-Hobyo »

Harti nimaan oqoon baa yiraa,hadalka qaarkiise,
Waa nimaan hurmuud wada ah iyo,hanadyo waaweyne.
Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas kore e.


Waa nimanka deeqdii hanbaday, hibo Ilaaheeye,
Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye,
Waa niman gob baa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye.

Waa nimanka daaraha hurdiyo, harac dallaal weyne,
Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone
Waa nimanka haashaarka gole,marada haafeeyne

Waa nimanka doonyuhu Hindiga,uga himbaartaane
Waa niman haruur iyo bariis,hoyga loo dhigaye
Waa nimanka haanfuuqayee,timirtu hoos taale

Waa niman haleeliyo horweyn,heel ka buuxsadaye
Waa niman adduun lagu huroo,maal hareeriminne
Waa niman intay wada habceen, heeshiguun dhiciye

Waa niman hingaar lama watee,haybad guursada e
Waa niman hablaha ay qabaan,halalac leeyaane,
Sida heegadoo curatay bay, shuqul hillaacaane

Waa niman hub iyo dowladnimo,haysta waligoode
Waa niman u heenseyn fardaa,halabsigoodiiye
Waa niman halqooqaha rogaal,heegma weligoode

Waa niman hadday rag is-hayaan,huriya baaruude
Waa niman madaafiic higliyo,haaliggii ridiye
Waa niman hanaanaca kufriga,hoor ka soo qubiye
Daaroodku waa wada halyey,kalase heyb roone

Dadka kalena waa wada hulqiyo,huuba doora lehe
Waxse heerle haad ferenji iyo, harabka Iidoore
Kuwa fuudka heeminahayoo,himishku duulaayo
Aan tan iyo Haabiil dheryaha.lagula hawshoonnin

Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye
Hiliblaha dukaaminahayoo,horori ceeriinka
Oo dhiigga soo hililiqlayn, haysha ka caseeyey.
Iyana heer inay leeyihiin,hubantidey weeye

Nimanka hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey
Ee tii wax hoomey tiraa,kula haliilaayey
Iyana heer inay leeyihiin,hubantiday weeye.

Nimankii hawaaree sidii,habas u kowdiidey.
Oo aan futada haawineyn, hogobka aad mooddo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Nimankii sidii awr hayina, hilayga qaadaayey
Hinjigiyo culayskii kuwuu,hoolay dhabarkooda
Iyana heer inay leyihiin hubantiday weeye.

Ragga hiirta waa beri dillaal, halaladuu roori
Oo aan hunguriga maalimeed,soo har gelihaynin
Iyana heer inay leyihiin, hubantiday weeye.

Nimankii habeedley ummula, huga u mayraayey.
Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Ragga udaha horsanahayoo,saxaraduu heegan,
Iyo nimanka hooyadood ku odhan, habartu waa dhuustey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Axmed nuuxa nirig haaruuf badan,kabar u heereeyey
Ee hilinka meeshiyo Hiraab, habaqluhuu qaaday,
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Muusacarraha haragga iyo, hoorka xiranayaa.
Oo qurunka ay huursadeen, lagu hunqaacaayo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Ciisaha baqtiga hiigayoo, haadka qalanayaa,
Oo calaha habuurka badan, hagida meeraaya,
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Habaryonis iyo reer Jugliyo, habar magaadloo dhan
Iyo caliga hoosada berbera, huluqa jiidaa,
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye.

Intii heer lahayd ma aan dhammayn. hebelladoodiiye
Hayska hoobbiyeen nimanka aan, heray boqontiiye
Inta aan hunduudaa ka badan, hiishka geedaha e.

Niman baan bullaabee ma oran, hiijo iyo ceebe,
Waxsaan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane,
Ha yeeshee intaasaan hojee, hor Allahay geystay.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Harti nimaan Aqoon (Sayid Mohamed)

Post by The_Emperior5 »

and this is what he said about mejeerteen


Sayid Mohammed Abdulle Hassan’s Poem about Majeerteens


Majeerteen iyo Boqor Cismaan ayuu Sayidku gabaygan u tiriyey isagoo difaacayey Daraawiishta iyo halgankoodii oo Boqor Cismaan laf-dhuungashay ku noqday:


1. Majeerteen majnuun inuu yahaan, marag u haystaaye

2. Waa niman masakhan oon ahayn, midhaha Daaroode Laughing Laughing

3. Waa niman siddii Moolaadhabe, miciya dheerdheere



4. Waa niman maddada oo cir weyn, oo masiiba ahe

5. Waa niman lafaha mudhuxsadoon, muruqna reebayne

6. Waa niman haddad min u furtoo, malab durduursiiso

7. Ama aad maqaarreyda geel, xero u meegaarto

8. Waa niman inay mahad naqaan, laga malaynayne Laughing



9. Cir milshiyey dhulkoo malaf ka baxay, maalka oo dararay

10. Waa niman martidu eeyan tegin, madal ay joogaane

11. Waa niman madaal inay baxshaan, loogu muhanayne



12. Waa niman haddaad gabadh markab ah, maqaasiinka u geyso

13. Wuxuu fiidka horre mayracoo, marakabeeyaaba

14. Waa niman masaladood jabtoo, hooyadood mira e Laughing



15. Waa niman misciliisha ugu jira, sina u meerkeede

16. waa niman candhada laga maraa, milil ka dhiiqaaye Laughing Laughing Laughing Laughing

17. Waa niman maruubada la’oo, minidu dhaaftaaye



18. Waa niman siddiii mowle bahal, laga mareertaaye

19. Waa niman mareeg lagu dabraa, sida maliid awre

20. Waa niman madhuushoodu tahay, mooye qaab darane



21. Waa niman margigu siiban yahay, iyo mataanuhuye

22. Waa niman macaankii jannada, meel aan ku lahayne

23. Waa niman futadu maastahoo, duud maloogna ahe Laughing Laughing Laughing



24. Waa niman miskaha lagala dhacay, qaare madax weyne Laughing

25. Waa niman minjuhu ay yihiin, miiqan taag darane

26. Gabaygaa ha laguu maadsadee, mariya oo geeya

27. Markab nagaga sii qaada oo, meel walba u dhoofsha

28. Nimankii makhaayadaha fadhiyey, naga mihiibsiiya


NOTHING HAS CHANGED

you can say what ever u want about sayidkii siigeyste laakin af somali macalin buuu aha
Sultan-Kenadiid-of-Hobyo
Posts: 184
Joined: Sun Apr 03, 2005 5:29 pm
Location: Gedo, Galgadud, Kismayo.

Re: Harti nimaan Aqoon (Sayid Mohamed)

Post by Sultan-Kenadiid-of-Hobyo »

suk my ceeb
somaliyad07
Posts: 73
Joined: Sun Feb 18, 2007 7:15 am

Re: Harti nimaan Aqoon (Sayid Mohamed)

Post by somaliyad07 »

Laughing Laughing


This is worest turn around Sayid made it to MJs Laughing Walahay waan suuxay, warya Empr xageed gabayga ka so xaday? which Gabay was first tolow? horta Gabayda Sayidka waan jeclay badankooda, lakin wuxu aha Qabiiliste is nacay...just look at this gabay.


Ps..Empr leave MJ alone waadiga Mareexanka laangaabka ahba dabada ka leefe, MJ waa smartest Clan of all Somalis...I just love this Clan and their political Games Laughing
Sultan-Kenadiid-of-Hobyo
Posts: 184
Joined: Sun Apr 03, 2005 5:29 pm
Location: Gedo, Galgadud, Kismayo.

Re: Harti nimaan Aqoon (Sayid Mohamed)

Post by Sultan-Kenadiid-of-Hobyo »

thanks somaliyad.
User avatar
Starscream
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2526
Joined: Mon Sep 10, 2007 11:16 am
Location: Qardho District.

Re: Harti nimaan Aqoon (Sayid Mohamed)

Post by Starscream »

The poem about MJ came to being when the MJ Boqor screwed Sayidka. As you can see he teared us apart in that poem. The poem where he praises Harti is at a latter date. Poem of appraisal by Sayidka is very rare, so if he praises a clan he really admires them. Harti are his Reer Abti.

His own Ogaadeen and even Dhulbahante were also ridiculed by Sayidka in his poetry. It's more of an insult if he never mentions your clan or does so very rarely, it means your clan was irrelevant and insignificant to him and his movement. Contrary to popular belief, he also respected the Isaaq.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Harti nimaan Aqoon (Sayid Mohamed)

Post by The_Emperior5 »

[quote="somaliyad07"]:lol: Laughing


This is worest turn around Sayid made it to MJs Laughing Walahay waan suuxay, warya Empr xageed gabayga ka so xaday? which Gabay was first tolow? horta Gabayda Sayidka waan jeclay badankooda, lakin wuxu aha Qabiiliste is nacay...just look at this gabay.


Ps..Empr leave MJ alone waadiga Mareexanka laangaabka ahba dabada ka leefe, MJ waa smartest Clan of all Somalis...I just love this Clan and their political Games Laughing[/quote]


NAA ANIGU JABARTII MAKA JECLI WALA MEREXAANTA BOONTA WALA OGADEENKA XABSIDA AHA
IMIKA BAAN RASAAS KU BADASHAY IYAKA HUBB MOOGTAY
UkMan9
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 547
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Re: Harti nimaan Aqoon (Sayid Mohamed)

Post by UkMan9 »

Gabaygan waxaa bedelay oo majeerteen u bedeley nimanka qora doolo iyo niman sheegta dhulbahante inay yihiina shaki ku jiro... waxaana ku kalifay nacayb xoog badan iyo cuqdad gaari waa ah oo ay u qabaan majeerteen....
gabaygaas uu u tiriyey Bahdir sayidku waxaa laga adkaaday dagaal sixunna uu ugu jabay ka dib caro iyo itaal la'aan ayuu gabaygaas uu ku caynayo boqor cismaan ehelkiisa oo aan markaas xataa jilib gaarin tiriyey boqorkii la oron jiray Xawaadani oo boqor Cismaan awoowgiis ahaa bahihiisa bah ka mid ah ayaa ahayd Dir faraceediina loogu magac daray bahdir oo boqor cismaan faraceedii ka mid yahay....

nin la yairaahdo Sh. Muuse Axmed. oo arinta gabaygaas ka hadlay wuxuu yiri...



Waxaan muran ka joogin rag haddii colaadi dhex marto colaaddaasina hanaqaad noqoto, caaqibo iyo tolnimana ay ku kala tagaan, af iyo yed mid kastaba ha ahaatee nin waliba wuxuu ku ciil beeli karo ayuu ku kacaa, waxaana marag u ah hadal nin abwaan ahi horay u yiri:

Rag haddaad colaad leedihiin ciidanse u weydo
Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa kuu cawo adduuna!

Daraawiish markay dad oo dhan colloobeen oo ay iyana dagaal ugu jilib dhigeen, Sayidka waxaa u dheeraa hanjabaad, gooddi, faan iyo cay.
Haddaba, isagoo boqor Cismaan iyo raggiisii oo colaad xumi ka dhaxaysey wax ka sheegaaya ayuu gabaygan mariyey; wuxuuna ku yiri:-

Bahdir inay majnuun wada tahaan, marag u haystaaye
Waa niman masakhanaan ahayn, midhaha Daaroode
Waa niman sidii Moolaadhabe, miciya dheerdheere
Waa niman maddada oo cir weyn, oo masiiba ahe
Waa niman haddii milida geel, loo maddabaqeeyo
Waa niman lafaha muruxsadaan, muruqna reebayne
Waa niman haddaad min u furtoo, malab durduursiiso
Ama aad maqaarreyda geel, xero u maageerto
Waa niman inay mahad naqaan, laga malaynayne
Cir milshiyey dhulkoo malaf ka baxay, maalka oo dararay
Waa niman martidu eeyan tegin, madal ay joogaane
Waa niman madaal inay baxshaan, looga muhanayne
Waa niman haddaad gabadh markaba, maqaasinkuu geyso
Wuxuu fiidka hore mayracoo, marakabeeyaaba
Waa niman masaladood jabtoo, hooyadeed mira e
Waa niman miscilisha ugu jira, sina u meerkeede
Waa niman candhada laga maraa, milil ha dhiiqeene
Waa niman maruubada la'oo, minadu dhaaftaaye
Waa niman sidii mowle bahal, laga mareertaaye
Waa niman marraag lagu dabraa, sida maliid awre
Waa niman mad-huushoodu tahay, mooye qaab darane
Waa niman mergigu siiban yahay, iyo mataanuuye
Waa niman sharciga mililigayee, faalka maakubaye
Waa niman macaankii jannada, meelaan ku lahayne
Waa niman futadu maas tahoo, duud maloonga ahe
Waa niman miskaha lagala dhacay, qaara madax weyne
Waa niman manjuhu ay yihiin, miiqan taag darane
Gabaygaa ha lagu maadsadee, mariya oo geeya
Markab nagaga sii qaada oo, meel walba u dhoofsha
Nimankii makhaayadda fadhiyay, naga mihiibsiiya.

Waxaan ka qoray Sh. Muuse Axmed.

http://yousefadan.com/waa-niman.pdf
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”