reports on the 2011 crime statistics
“Sannadka 2011 tirada guud ee dambiyada dalka ka dhacay waxa weeye 14,306 (afar iyo toban kun, saddex boqol iyo lix) kiis, halka uu sannadkii hore ka ahaa tirada dambiyadu 18,343 (siddeed iyo toban kun, saddex boqol iyo saddex iyo afartan) kiis. Marka la isbarbardhigo waxa tirada dambiyadu hoos u dhaceen 4,837 (afar kun, sideed boqol iyo toddoba iyo soddon) kiis, taas oo ay sabab u tahay iyadoo boolisku dedaal dheeraad ah sameeyey, lana dardargeliyey hawlgallada ciidanka booliska, dadweynahana lala sameeyey xidhiidh wanaagsan iyo wada-shaqayn wacan
Mar uu ka hadlayey taliyuhu dhinaca dilalka dalka ka dhacay waxa uu yidhi, “Sannadkan waxa dalka ka dhacay 70 dil. Waxa la qabtay 58 gacan-ku-dhiigle; waxa baxsaday 12 gacan-ku-dhiigle. Markaa waxa halkaa ka muuqata in ciidanka boolisku uu gacan libaax ku leeyahay qabashada eedaysanayaasha, sannadkii hore ee 2010 tiradu dilalku waxay ahaayeen 80 dil, waxayna sannadkan hoos u dhaceen 10 dil.”
“Sannadkii 2010 waxa dalka ka dhacay 186 kufsi, halka sannadkan ay dalka ka dhaceen 176 kufsi, waxaannu hoos u dhacay 10%. Carruurta la tuuray; sannadkan 2011 waxa la tuuray 10 carruur ah, halka sannadkii hore la tuuray 20 carruur ah.”
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici oo xafladdaasi ka hadlay
Sidaad la socotaan waxa xalay [habeen hore] shaqaaqo ka dhacday magaalada Ceerigaabo, markaa waxaan leeyahay walaalahayaga reer Sanaag is qabqabsi iyo qabiil faa’iido ma laha, intii xalay [Khamiistii] dhimatayna waxaannu Illaahay uga baryaynaa inuu u naxariisto, inta dhaawacantayna waxaannu Illaahay uga baryaynaa inuu shaafiyo waxaanan leenahay xukuumad ahaan waanu idin soo gaadhi doonaa,
Waad ogtihiin tallaabada xukuumaddu qaadday muddada sannadka ah ee ay mushaharkii u kordhisay ciidammada iyo shaqaalaha dawladda. Waxa la yidhaa kunka tallaabo waxay ka bilaabmaan hal tallaabo. Waxaannu ku talo jirnaa in ciidanka booliska la tayeeyo tiro iyo tayaba innagoo og xaaladda mandaqadda aynu ku nool nahay ee ay ka jiraan budhcad-badeed iyo argagixiso.”
Ku-simaha Madaxweynuhu wuxuu u soo jeediyay ciidammada booliska inay dhawraan xuquuqda muwaaddinka, si taxadar lehna u qabtaan qofka dembi ka gala dalka.
“Waxa jirta in waxaad qaadataan iyo hawshaad qabataan aanay ahayn wax isu dhigma. Waxaan idin leeyahay in badan baad soo samirteen daryeelka ciidammada kala duwan ee dalku; waa wax mar walba ku jirta qorshaha dawladdan, waxaanan idinku dardaarayaa inaad waddankiina u shaqaysaan. Waxa la idiinka baahan yahay inaad xuquuqda muwaadinka ilaalisaan, shacbigana waxaan ka codsanaynaa inay la shaqeeyaan ciidanka booliska oo ay u arkaan inay iyaga u adeegayaan.”
http://www.jamhuuriya.info/view_article ... e_id=17427