Sirdoonka Imaaraadka Carabta oo Xabsiga dhigay Boqor Cismaan Buur-madow
“Boqorka ilaa hada ma ogin meesha lagu xidhay, waxa la qabtay isagoo ka soo degay Madaarka Dubai, kana soo laabtay Xajka” Maxamed Maxamuud
Dubai(Waaheen)-Ciidamada Sirdoonka ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay Xabsiga u taxaabeen laba maalmood ka hor Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow oo ka mida Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland.
Boqor Cismaan Buur-madow oo markii la xidhay la sheegay in laga qabtay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Dubai isagoo ka soo laabtay wadanka Sucuudiga oo uu u tegay Gudashada Waajibaadka Xajka ayaan la ogayn ilaa hada meesha lagu xidhay iyo sababta loo xidhay toona sida uu sheegay Maxamed Maxamuud oo Boqorka Cismaan Buur-madow ay Walaalo yihiin, kaasoo xalay u waramay TV-ga Horn Cable.
Oday Maxamed Maxamuud ayaa cadeeyay in Walaalkii Boqor Cismaan Buur-madow ay qabteen Sirdoonka Imaaraadka xili uu ka soo laabtay Xajka, isla markaana aanay ilaa hada ka war qabin sabab loo xidhay iyo cida xadhigiisa ka dambeysa toona, waxaanu yidhi “anigoo ah Maxamed Maxamuud oo ah Boqor Cismaan Maxamuud Buurv Madow Walaalkii waxaan cadaynayaa in la Xidhay Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow, waxaana xidhay sida naloo sheegay Ciidamada Sirdoonka ee dawlada Imaaraadka, iyadoo xukuumadda Somaliladna la sheegay inay lug ku leedahay Xadhigiisa, laakiin waxa kaliya oo aan cadaynayaa in Boqor Cismaan Buur-madow la xidhay ilaa hadana meel uu ku xidhanyahay aan war loo hayn, saldhigyada Magaalada Abu-dubai oo aanu ka baadhnayna waanu ka waynay, markaa meel ay ku xidheen ama geyeen lama garanayo” ayuu yidhi.
sidoo kale waxa sheegay Maxamed Maxamuud “Boqorka waxa laga qabtay Doraad Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Dubai, isagoo ka laabtay gudashadiisii Xajka ilaa hadana lama garanayo sababta loo xidhay iyo meesha lagu xidhay toona, inuu nool yahay inuu dhintayna war uma hayno, Xaaskiisiina waxay ku jirtaa Koomo tan iyo markii naloo sheegay in la xidhay”ayuu yidhi.
si rasmiya looma oga Xadhiga Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow iyo ujeedada ka dambeysa ilaa hada, hase yeeshee Boqorka ayaa degenaa Dalka Imaaraadka mudo sanad iyo dheeraad ah,waxaanu maalintii khamiista ee todobaadkii hore Waraysi siiyay Laanta Afka Somaliga ee BBC-da, isagoo ka waramayay Doorkii uu Siyaasada Liibiya ku lahaa Wiilkii uu dhalay Madaxweynihii la Dilay ee Libiya Mu’camar al Qadaafi ee Sayf Qadaafi.
sidoo kale Boqor Cismaan Buur-madow ayaa ka mid ah Madaxdhaqameedyada reer Somaliland ee sida weyn u dhaliila Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taasoo uu dhawr jeer Saxaafada ku dhaliilay.
Boqor Badhi madoow arrested in the UAE
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- samatar133
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2342
- Joined: Fri Jun 18, 2010 9:11 am
Re: Boqor Badhi madoow arrested in the UAE
ninyaw mar dhawayd waxaan HCTV ka arkayay oday diif xuni ka muuqato ay walaalo yihiin Buur Madaw oo si xun u calaacalay.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 424 Views
-
Last post by Boqor Buur Madoow
-
- 7 Replies
- 833 Views
-
Last post by COSTA
-
- 13 Replies
- 1846 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 1 Replies
- 626 Views
-
Last post by ProudFather
-
- 16 Replies
- 1831 Views
-
Last post by Madelina
-
- 15 Replies
- 1640 Views
-
Last post by Kramer
-
- 0 Replies
- 766 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 0 Replies
- 1138 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 1 Replies
- 1354 Views
-
Last post by MALMAHA