



BOOSAASO : 3oo oo Arday oo Deeq Waxbarasho ka heshay NGO-ga Somali Vision Devoloment (Sawiro)
November 26, 2011 12:41 pm GMT - Written by Editor - Edited by Edito
Boosaaso:-Ardaydan heshay deeqda waxbarasho oo gaaraysa 300 Arday oo Reer Bosaso ah ayaa waxaa ugu Deeqay Somali Australian Community oo ah Gudiga waxbarashada Somaliyeed ee dalka Austarelia waxayna u soo marsiiyeen NGO-ga Somali Vision Devoloment Organisation oo maanta Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimey ku soo ban-dhigay deeqdan Waxbarasho ee Ardayda Somaliyeed ee Reer Puntland gaar ahaana Magaalada Bosaso siiba Xaafada Biyo kulule oo uu ku yaal Xafiiska wayn ee Somali Vision Devolomenta Organisation.
Xafladii Galabta lugu da-hfuray deeqda waxbarasho ee ardaydan ayaa waxaa ka soo qayb-galay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahayeen Taliyaha Saldhiga Ciidanka ee Xaafada Minjir ,Dhaqtarka Guud ee Dr-Rooble, Laamaha kala duwan ee Waxbarashada Magaalada Bosaso iyo qaybo kale oo ka mid ah bulshada rayidka ah.Libaan Maxamed Axmed (Macawisle) Gudoomiyaha Somali Vision Devoloment Organisation ayaa waxa uu ka warbixiyeyinc Deeqdan ay ka Guddoomeen Somalida reer Puntland ee ku dhaqan dalka Australia ee u ollaynaysa sidii ay wax wayn uga qaban lahayeen danaha dalkooda iyo dadkooda isagoo intaasi sii raaciyey inaysan intan oo keliya ahayn dedaalada ee la filayo ay ka sii badiyaan.
C/weli cabdiqaadir Xirsi Carab oo ah Masuulka Deeqdan waxbarasho loo soo dhiibay ayaa isna ka hadlay Xafladii waxa uu sheegay inay Guddiga Somalida Australia ay ku deqeen waxbarashadan isla markaasina ay ugu tala geleen inay ka faa’idaystaan qaybaha kala duwan ee bulshadu iyadoo intaasi ka dibna Taliye ku-Xigeenka Saldhiga Minjir uu Mahadceliyey Sida wanaagsan ee ay Masuuliyiinta howshan u soo qaban qaabisay.
Maxamed Axmed CiiseBoosaaso,Puntlandpost.com
Finally The Diaspora is Waking up I hope this Rocks a shock-wave through puntland diaspora to start investing into the state. This is an excellent development since our scholarships in hamar were looted by the king of looters HAWIYE !!!
