About:- 1 min ago| 2 Commnets
Xarunta Baarlaamaanka Puntland ayaa waxaa ka socda dhisme cusub kaas oo lagu badelayo dhismihii hore ee ay Baarlamaanku ku shiri jireen.
Dhismahan ayaa ah mid wax badan ka duwan dhismihii hore ee Hoolka shirarka ee Baarlmaanka Puntland wuxuuna u qaybsan yahay dhowr qaybood kaas oo ah habka loo dhiso xarumaha Baarlamaanada ee Caalamiga ah.
Eng. C/raxmaan Salaad C/raxmaan oo kamid ah Engneer-ada dhismahan wada ayaa sheegay in uu yahay mid ka duwan dhismihii hore iyadoo qaabka dhismihiisana ay kawada tashadeen sadex kamid ah Engneer-ada dhismaha ee ugu caansan Puntland, Madaxweynaha, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Eng C/raxmaan aay isaga oo hadalkiisa sii wata tilaamay in Hoolka dhismahan cusub ee Galaha Baarlamaanka Puntland uu noqon doono mid qaada ku dhawaad 500 oo qof ,xafiisyada iyo qaybaha kale ee uu ka koobnaan doonana ay kamid yihiin:
Xafiisyada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.
Hoolka guud ee shirarka Baarlamaanka.
Xafiiska Golaha Wasiirada.
Qaybta Isimada.
Qaybta Saxaafadda.
Qaybta Martida.
Qaybta shaqaalaha.
Qaybta baaritaanada.
Iyo qayb ay hadii barlaamnku u bahdaan ay ku kala shiraan.
Cabdiraxmaan Salaad Cabdiraxamaan oo isagu qayb ka ah sadex Engneer oo iyaga loo xil saaray dhismaha cusub ee ay Baarlamaanka Puntland yeelanayaan ayaa ugu danbeyntii sheegay in dhismahani uu socon doono mudo 8-bilood ah laguna rajo weyn yahay in Mudanayaasha Baarlamaanku ay kalfadhigooda soo socda ku shiraan.
Si kastaba ha ahaatee dhismahan cusb ee uu yeelanayo Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa noqonaya mid aad uga baaxad weyn xarunta ay hada ku shiraan oo ah goob aad u yar aadna ciriiri u ah waxaana marka lasoo gaba gabeeyo uu noqon doonaa dhisme daboola baahiyo badan oo Baarlamaanka Puntland ay qabeen.
Maxamed Siciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe, Puntland
mohamed@horseedmedia.net










Are u all happy for all the doubters? Its going ahead as planned the most modern parliament in somalia bite on that haters