PRESIDENT ABDINUR DARMAN WELCOMED TO GALKACYO !!!!!

http://hobyonet.com/?p=13710
Gaalkacyo-hobyonet)Dr Cabdinuur Axmed Darmaan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo horayna u sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.
Cabdinur Darmaan waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo dad weyne aad u badan,waxaana markii uu soo gaaray Gudaha Magaalada Gaalkacyo uu Xarunta Madaxtooyada ee Maamulka Galmudug uu kulan Alaabadu u xiran yihiin kula qaatay Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin.
Kulanka ay Wada qaateen Madxweyne Caalin iyo Cabdinuur Darmaan ilaa iyo hada lama oga wax yaabaha ay kawada hadleen Hase ahaatee warar ay hobyonet ka helayso Xarunta Madaxtooyada ayaa sheega in Cabdinuur Darmaan uu Madaxweynaha kala hadlay sidii u soo dagi lahaa islamarkaana uu Xafiis uga furan lahaa Deegaanada Galmudug.
Waa markii ugu horeysay ee C/nuur Darmaan uu Booqasho ku yimaado Deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Galmudug tan iyo Markii uu sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.
By:burhaan C/laahi Xaashi
burhaan712@hotmail.com

