Sade elders in Lower Shabelle condemn Kenyan airstrikes

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Sade elders in Lower Shabelle condemn Kenyan airstrikes

Post by XimanJaale »

Qaar ka jira mid ah Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Beesha SADE,kuna sugan Gobolka Sh/hoose ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadleen mowqifkooda iyo aragtidooda ku aadan duqeymaha isdaba jooga ah ee todobaadyadii ugu dambeeyey Diyaaaradaha dagaalka ee Dowlada Kenya ay ka geysanayeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo,iyagoo sheegayna Duqeymahaasi oo sababay Qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac in ay ahaayeen kuwa lagu bar tilmaameedsanay goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah.


Nabadoon Maxamed Cabdulaahi Xirsi oo ka mid ah Odoyaasha Gobolka Sh/Hoose oo la hadlayey warbaahinta Goboka Gedo ayaa si kulul waxuu u cambaareeyey weerarada dhinaca Cirka ah ee Kenya ay ku bar tilmaameedsanayso goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah,isagoo dhinaca kalena ugu baaqey dadweynaha ku nool Gobolka Gedo in ay is dejiyaan,islamarkaana ay ka dhiidhiyaan shirqoolada ay maleegayaan Cadawga .


Nabadoon Maxamed ayaa waxaa uu ugu baaqey dowlada Kenya in ay si deg deg ah u joojiso duqeymaha iyo duulaanka gardarada ah ee ay ka wado Gobolka Gedo iyo weliba Gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya,isagoona ka digey sii socoshada duqeymahaasi in ay keeni karto deganaansho la,aan soo wajahda soomaaliya iyo kenya,taasoo uu sheegay waxii dhaca mas,uuliyadeeda in ay dhabarka saaran doonaa Dowlada kenya.


Duqeymahii ugu dambeeyey ee ka dhacay Degmada Baardheere ayaa waxaa ay keeneen in la xiro Qaar ka mid ah Dugsiyadii Waxbarashada deegaanka,iyadoo Cabsi xoogana ay soo wajahdey Boqolaalkii Caruurta iyo haweenka ee lagu quudin jiry Xarunta Ururka Bisha Cas ee ku taala goobtii shaley la duqeeyey.


Tan iyo intii Kenya ay bilowdey Duqeynta Diyaaradaha dagaalka ee Gobolka Gedo mudo iminka laga joogo ilaa 2 asbuuc ayaa Duqeymahaasi waxaa ku geeriyoodey ilaa 4 ruux oo rayid ah,halka tiro ilaa13 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruurna ay ku dhaawacmeen,Dowalada Kenya oo lagu eedeynayo in ay duqeymaha Diyaaradaha ay ka dambeyso ayaan ilaa iyo hadda wax hadal ah ka soo saarin Duqeymahaasi oo lala eeganayo Goobaha ay degan yihiin dadka shacabka ah.



Aden Bare Cali
Muqdisho/Soomalia.
abdirisak22
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 495
Joined: Tue Aug 07, 2007 6:01 pm
Location: Buurdhuubo - greater Gedo region of Somali republic.

Re: Sade elders in Lower Shabelle condemn Kenyan airstrikes

Post by abdirisak22 »

Correction:

Lower Jubba.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”