Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kadib Warsaxaafadeed kasoo baxay goor dhow Xafiiska Madaxweynaha oo u qornaa sidan.
War-Saxaafaddeed
(Mogadishu, Somalia, December, 14, 2011) Sida lawada ogyahay, waxaa maalmahan socday shirar iyo kulamo ay wadeen xubno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka KMG ah kuwaasoo waday mooshin lid ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, wuxuu maalmahan ku mashquulsanaa kulamo xal loogu raadinayo khilaafaadka kuwaas oo meel fiicansoo gaaray. Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo ka welwelsan degdegga iyo sida kediska ah ee uu ku dhacay Go’aanka ay xubno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka KMG ah soo saareen shalay ee ku saabsanaa Xil ka-qaadis GuddoomiyahaBaarlamaanka , ayaa tibaaxay dareenka uu ka qabo tillaabada lama filaanka ah ee uu Baarlamaanku qaaday, wuxuuna yiri: “ Ma ahayn dhacdo cusub laakiin waqtiga uu ku soo beegmay ayaa xasaasi ah, waana dhacdo aan la fileynin oo dareenkeeda leh, walina baaris iyo ka baarandeg ayaan ku jirnaa si aan u helno xaqiiqda dhabta ah iyo duruufaha keenaya go’aankaas.”
Dalku wuxuu ku sugan yahay duruufo gaar ah sida la dagaallanka Al-Shabaab, Fulinta Qorshe-Howleedka (Roadmap) iyo Gaarsiinta gargaarka bino’aadanimo.
Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray “waxaan sii wadi doonnaa wadahadalka iyo u kuurgalidda xaaladdan si waafaqsan sharciga, waxaana mudanayaasha Baarlamaanka ugu baaqeynaa iney joojiyaan sii wadidda khiliaafaadka, gartaanna masuuliyadda ka saaran habsami u socodka howlaha Baarlamaanka iyo ilaalinta sharciga”
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu adkeeyay ixtiraamka iyo madaxbannaannida Baarlamaanka wuxuuna tilmaamay in Dowladdu ay ku dhisan tahaysharciga, sidaa daraadeed tillaabo kasta oo la qaadayo waa iney waafaqsan tahay Axdiga KMG ah iyo shuruucda kale ee dalka u degsan. “Waxaan talo ahaan soo jeedin lahaa in khilaafaadka la iska ilaaliyo, xoogana la saaro fulinta Qorshe Howleedka (Roadmap) iyo howlaha culus oo na hor yaala” ayuu yiri Madaxweyne Sharif.
Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Khilaafka Baarlamaanka
Moderator: Moderators
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super

- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
- D-Runner
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1293
- Joined: Mon Nov 02, 2009 12:09 am
- Location: What plan? Let's just meet up for a cup of tea and come up with our own state too.
- Contact:
Re: Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Khilaafka Baarlamaanka
So since it seems Sh. Sharif hasn't taken a clear stand on the whole issue, is it fair to say he is in bed with the crooks in opposition to the speaker?
- Somalian_Boqor
- SomaliNet Super

- Posts: 10847
- Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
- Location: Fuck Faroole & His Supporters
Re: Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Khilaafka Baarlamaanka
Shariif Hassan has to go and Sh. Sharif is only harming himself with his somewhat natural states.
There was a fist fight in the Baarlamaant yesterday and this is all the President has to say?
There was a fist fight in the Baarlamaant yesterday and this is all the President has to say?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 856 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 0 Replies
- 246 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 242 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 409 Views
-
Last post by cheifaqilbari
-
- 8 Replies
- 949 Views
-
Last post by MJ-Pride
-
- 7 Replies
- 994 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 0 Replies
- 258 Views
-
Last post by afisoone
-
- 14 Replies
- 1668 Views
-
Last post by Sbashi
-
- 2 Replies
- 539 Views
-
Last post by afisoone