Hargeysa (HWN) Suldaan Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed ayaa maanta lagu caleemo saaray Duleedka Bari Ee Tuuladda Abaarso.
Suldaankan oo noqonaya kii labaad ee ay yeelato Beesha Makaahiil ee sacad Muuse ayaa waxa ka soo qayb galay caleemo saarkiisa Sulaadiin, Cuqaal, Siyaasiyiin, waxgarad, Culimo iyo dad weyne aad u tiro Badan.
Hadal kooban oo uu furitaankii Xafladda Caleemo Saarka ka soo jeediyay Suldaankii hore ee Beesha Makaahiil Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed, oo xafladda Caleemo Saarka Suldaanka Cusub Goob joog ka ahaa ayaa xusay in uu soo dhaweynayo Suldaanka Cusub.
Waxa aan si heer sare ah u soo dhaweynayaa suldaanka Cusub, walaalkay Suldaan Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed, waxaanan leeyahay beesha ayaa garatay in ay laba suldaan yeelato, waxaanan leeyahay laba suldaan way qaadi kartaa.
Anaguna noqon mayno kuwo beesha kala qaybin u horseeda ee hadii alle yidhaahdo waxa aanu noqon doona kuwo ;isu soo jiida beesha ayuu yidhi suldaanku.
Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay suldaan Maxamed Jaamac Samater oo ka mid ah sulaadiinta Gobolka Awdal ee dalka Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in uu soo dhaweynayo Suldaanka cusub ee maanta lagu caleemo saaray Duleedka Tuuladda Abaarso.
Suldaanku waxa uu kula dardaarmay Beesha Makaahiil in ay ku dedaasho sidii ay isu barbar taagi lahayd suldaanka Waxa aan si aad ah u soo dhaweynayaa suldaanka cusub oo malaha inta maanta halkan fadhida aanu jirin nin iiga dhawi.
Runtii suldaanka aabihii iyo aabahay waxa ay ahayeen habro wadaag, markaa sidaas ayaan cid walba uga dhawahay ayuu yidhi.
Waxa uu intaasi ku daray in Suldaanku, uu suldaan ku noqon karo marka ay beeshiisu dhinaca la qabato arrimaha jira oo dhan Suldaanku waxa uu Suldaan ku yahay marka dhinaca lala qabto wixii jira, sidii sulaadiintii iga horeysay ay u sheegtayna waxa aan soo jeedin lahaa in suldaanka la xooleeyo, bilaahi calaykumna waxa aan idin ka dardaarayaa in suldaanka aad ula timaada mushkilado yaryar oo aad idinkuba dhamaysan kartaan dhexdiina ayuu hadalkiisa ku soo khatimay.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay suldaanka Cusub xilkan loo doortay, waxaanu ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo.
Waxa aan ilaahay uga baryayaa in suldaanka cusub ee Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed uu fududeeyo xilkan loo dhiibay, hadii uu masuul yahay qofkuna waxa uu wanaagsan in uu cadaaladd ku xukumo dadka, markaa alle xilkan hakugu asturo ayaan leeyahay ayuu yidhi
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in uu soo dhaweynayo suldaanka Cusub Waxa aan si aad ah u soo dhaweynayaa suldaanka cusub, waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu ka dhigo midkii tubta toosan dalka iyo dadkaba ku hagaajin lahaa.
Runtii tiradda sulaadiinta beeshu way badatay, laakiin waxa aad ogataan in talo uun ay wada gooyaan, guri keliyana ay wada leeyihiin oo ay ku shiraan ayuu yidhi suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal.
Gabogabadiina Suldaanka Cusub Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dhamaanba dadkii caleemo saarkiisa ka soo qayb galay uga mahad celiyay sida ay uga soo xaadireen Waxa aan halkan uga mahad celinayaa dhamaanba sulaadiinta, cuqaasham, siyaasiyiinta, wayeelka, dhalinyarada, haweenka iyo dadweynaha tiradda badan e ka soo qayb galay xafladda caleemo saarkayga.
Hadal badan umaan kicin, laakiin waxa aan jeclahay uun in sida aad uga soo qaybgasheen xafladdan aad iigu ducaysaan in uu alle ii fududeeyo xilkan ayuu yidhi.
Waxa kale oo munaasibadaasi caleemo-saarka hadallo ka jeediyey salaadiinta kala ah Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi, Sul. Yuusuf Muxumed Xiiray, Sul. Axmed Daahir, Boqor Cali Xuseen Kaahin,Suldaan Daakir, Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalsan iyo Mayor Ku Xigeenka caasimadda kuwaas oo dhammaantood erayo duco iyo dardaaran ah u jeediyey Suldaanka cusub Suldaan Aadan Caaqil Maxamed Caaqil Muxumed.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay Tuu
Moderator: Moderators
- Keyse_0208
- SomaliNet Super
- Posts: 9898
- Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
- Location: L D N
- Contact:
Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay Tuu
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
Noolaada walaalahey makaahilow .
- Keyse_0208
- SomaliNet Super
- Posts: 9898
- Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
- Location: L D N
- Contact:
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
Thank you General Sahan, aka Taliye, aka caaqil, aka suldaan, aka waxgarad, Noolow abti, Waanu joognaa and we will be Here untill the end of days




- CaynabaX
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1732
- Joined: Fri Jul 15, 2011 12:28 pm
- Location: 82' In between Hayeeyaasha, Baalidhaye and Coodanle
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
Keyse, Suldaanka Guud Subeer Awal is he makaahiil as well?Keyse_0208 wrote:Thank you General Sahan, Noolow abti, Waanu joognaa and we will be Here untill the end of days![]()
- Keyse_0208
- SomaliNet Super
- Posts: 9898
- Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
- Location: L D N
- Contact:
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
No, i believe if im not wrong that he is reer ahmed. im not 100% certain ee check with sahan or Emperior 

- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
Rer Ahmed Abdulllah weeyi brother of Samatar Abdullah.Which is why Emperor claims to be a Sultan hereKeyse_0208 wrote:No, i believe if im not wrong that he is reer ahmed. im not 100% certain ee check with sahan or Emperior
Newayz guul to my abtiyaal
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
Caynaba waa reer axmad cabdalle , Xuseen Abokor .
Makaahiil ku ilma abokor ka , Xuseen , jibriil , Cabadalla ... adeer bu ugu toosan yahay , waa "gangsta" makaahiil ku
Makaahiil ku ilma abokor ka , Xuseen , jibriil , Cabadalla ... adeer bu ugu toosan yahay , waa "gangsta" makaahiil ku

Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
Al Sheikh Faisal ibn Waraabe looks like carab halkan




- MujahidAishah
- Posts: 16995
- Joined: Thu Dec 16, 2010 5:32 pm
- Location: Garisadi Guryosamo Goljano ku nool
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
Wat happened to the first one ... He only started the suldaanimo during the summer that was quick
. But makaahill know hw to throw an caleemo saar

. But makaahill know hw to throw an caleemo saar


- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
Oo Kaalay I thought the Makaahil lived in the North of Hargeisa along the Coast, but they seems to have Abaarso on Lock and Westen Hargeisa?
Abaarso is it a Makaahil Degaan?
Abaarso is it a Makaahil Degaan?
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
^ I think Abaarso is mixed with Makahiil and Jb?
- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
Masha Allah suldaano noqo kii dadkisa iyo dalka anfaca taariikhdana gala.....
Beesha Makaahiil waa gobta isaaqa





Beesha Makaahiil waa gobta isaaqa


- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
Every Tom D1ck and Habar lives in AbaarsoSaraxnow wrote:^ I think Abaarso is mixed with Makahiil and Jb?
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
Abaarso waxay ahaan jirtay police station+ jail oo ah dhismo yar oo waddada dhinaceeda kaga yaala .
Sacad muuse ah reer guura-ga ah oo dhan baa degaanka iska leh . Cabadalle sacad , makaahiil reer shirdoon , bah gobo etc,etc
Sacad muuse ah reer guura-ga ah oo dhan baa degaanka iska leh . Cabadalle sacad , makaahiil reer shirdoon , bah gobo etc,etc
- ToughGong
- SomaliNet Super
- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Beesha Makaahiil Oo Suldaankii Labaad Ku Caleemo Saartay
^
When were you there last Ina Baxarow
If you see the place now,waad yaabi.Massive school,mashruuc beero ah
Magaaladii oo wenaatey etc etc
When were you there last Ina Baxarow
If you see the place now,waad yaabi.Massive school,mashruuc beero ah
Magaaladii oo wenaatey etc etc
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 454 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 17 Replies
- 1841 Views
-
Last post by Perfect_Order
-
- 9 Replies
- 651 Views
-
Last post by Kramer
-
- 21 Replies
- 2433 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 19 Replies
- 3122 Views
-
Last post by NewHargeisaGirl
-
- 0 Replies
- 360 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 571 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 13 Replies
- 1655 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 1 Replies
- 892 Views
-
Last post by Reer Burao