
Garoowe (RBC) Waxa dadka magaca leh ee ka qeybgalaaya shirka wadatashiga ee ka socda Garoowe ka mid ah Fanaanka weyn ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad.
Axmed Naaji Sacad oo ah Fannaan, Mulaxan, Musikiste, iyo Abwaan waxa uu sheegay in uu aad ugu farxay markii uu arkay shir looga hadlaayo masiirka Soomaaliya oo hadda lagu qabanaayo gduaha dalka.
Waxa uu shaley markii uu lagu arkay xarunta shirka uu ka socdo masuuliuyiinta fadhiyay madasha shirka au istaageen iyagoo sheegay Fanaanka in uu ku soo dhawaado shirka wajiga labaad ee ka socda Magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal.
Fanaanka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimaado 20-sano ka dib dalka isagoo sheegay markii uu ka dagay garoonka Aadan Cadde Muqdisho oo hadda durba soo aaday shirka ka dhacaya magaalada Garoowe si bal uu goob joog uga noqdo wax yaabaha looga hadlaayo madasha shirka.
Fanaan Axmed Maaji Sacad waxa uu ka mid yahay fanaaniinta aad looga jecelyahay dalkeena gaar ahaan waxa uu fanaan ku caanbaxay heesaha caadiga ah iyo kuwa Banaadiriga.
Axmed Maaji Sacad ayaa sheegay in uu hadda u yimid dalka siddii uga qeyb qaadan lahaa nabad ku soo dabaalida dalka.
Waxa uu ka mid yahay tiirarka fanka Soomaaliyeed ee xiligaani nool iyadoo ay xusid mudan tahay tan iyo bur burki dowladi dhexe ee Soomaaliya uusan marnaba ka caajisin wacyi galinta bulshada isagoo koox loogu magac daray nabada ka aas aasay Dalka Yeman halkaasi oo fanaanka xarun u aheyd.
RBC Radio
———————
Xafiiska Wararka Galkacyo
