PL in high alert

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

PL in high alert

Post by FBISOMALIA »

GAROWEONLINE

Wasiirka arimaha gudaha ,dawaldda hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland Gen,Cabdulaahi Axmed ayaa sheegay in guud ahaan amaanka Puntland suganyahay,wuxuuna ku darey in Puntland ay tahay meel nabad ah una diyaarsan in lagu qabto shir kasta oo lagaga hadlayo xasilinta Somalia.

Wasiirka gudaha oo saxaafadda kula hadlayey madasha shirka wadatashiga ka socdo Garowe ee PSU ayaa sheegay in amaanka shirka iyo tasiilaadka ku baxaya ay dawladda Puntland ka diyaargarowday ,wuxuuna xusay in shirka mar kasta oo dib loo dhigayo laga walwalsanaa amaanka,puntland mar kast ay taagnayd amaanku waa suganyahay, haddana wuxuu sheegay inay ku celinayaan.

Ilkajiir waxa uu beeniyey warar warbaahinta horey uga baxay in AMISOM sugayso amaanka goobta shirku ka dhacayo Garowe,waxana uu ku adkeeyey in Puntland ku filantahay sugida amaanka deegaanadeeda.

Gen,Cabdulaahi Axmed ayaa u mahad naqay dhamaan ciidamada Puntland oo ku tilmaamay kuwo markasta heegan u ah sugida amaanka iyo ka hortega cid kasta oo carqaladaynasa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”