
Inaa Lillaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun
Waxaan Tacsi U direynaa ehelki, Qaraabadaii, asxaabtii, umada Soomaliyeed iyo dhamaan intii Garanaysayba, Geeridi ku timi Allaha u Naxariistee Ustaad Cabdiladiif Billaal Cabdow oo Shalay (Dec 30 2011) ku geeriyooday Magaalada Qardho, Marxuumka Janadii Fardawsa allaha ku manaysto – Inagana Samir iyo Iimaan ha inaga Siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
Waxaa tacsida diraya
Axmed Cali Nuux iyo Xaaskiisa Caruurtiisa
Cabdilaahi Cabdi Nuur iyo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa
Daa,uud Mohamed Cubeyd, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa
Saciid Mohamed Cudeyd, Xaaskiisa iyo Carurtiisa
Maxamuud Maxamed Cubeyd, xaaskiisa iyo caruurtiisa
C/qaadir Mohamed Cubeyd Xaaskiisa iyo Caruurtiisa
Hooyo Qamar Calawi Yaslim
Bishaaro Mohamed Cubeyd
Sahra Mohamed Cubeyd
Subeyda Mohamed Cubeyd
Duniya Mohamed Cubeyd iyo Caruurteeda
Xaawa Moxamed Cubeyd
Xalima Maxamed Cubeyd
Abshir Bare Arbush
Saciid Ismaaciil Jaamac,
Avv, Yuusuf Xaji Nuur
Mohamed Ismail Ciise
Cabaas Axmed Cabaas (Gacma-gaab)
Cali-Baashi Siciid Aw Muuse xaaskiisa iyo caruurtiisa
Daahir Maxamed Ciise (Qaroowe) Xaaskiissa iyo Caruurtiisa
Cali faarax Farmayeeri xaaskiisa iyo Caruurtiisa
Maxamed Cali faarax, xaaskiisa iyo Caruurtiisa iyo Dahamaan Bahda Wasaarada Waxbarashada PL Iyo Asxaab kale oon halka lagu soo koobi karin.
” Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun”
Taariikh nololeedkii -AHN- Ustaad Cabdiladiif Bilaal Cabdow
Allaha u naxariistee Ustaad Abdiladif Bilal Wuxuu ku dhashay Qardho sanadkii 1948. Wuxuu ku qaatay barashada Quranka Kariimka ah degmada Qardho. Wuxuu ku biiray schoolkii masaarida eek u yaalay Bosaaso, dugsigii hoose iyo dhexena wuxuu ku qaatay Bosaaso oo ay gacanta ku haysay dawlada masar, kuna bixi jirey afka carabiga.
1966kii ayuu Ustaad Abdiladif (illaah Jano ha ku manaystee) ka qalinjebiyey dugsigii dhexe ee “Allahi” ee ku yaaley Bosaaso. 1969kii ayuu waxbarashada heerka dugsiga sare u aaday Mogadishu, wuxuuna isla sanadkaas ku biiray machadkii la oranjirey “Machadu Almucalimiin”. Wuxuu ka qalin jebiyey machadkaas 1972, wuxuuna ku biiray wasaaradii waxbarashada iyo barbaarinta oo uu noqday macalin dugsiga dhexe magaalada Gaalkacayo.
Abdiladif illaah janno ha geeyee wuxuu noqday macalin luuqada Arabiga iyo adabka , wuxuuna ku negaaday magaalada Gaalkacayo uu ka gaarey heer maamule dugsi dhexe.
Ustaad Abdiladiif wuxuu ku biiray kuliyadii Lafoole oo ahayd heer jaamicadeed sanadkii 1977/78, wuxuuna ka soo qalin jebiyey 1980. Isaga oo ahaa allaha u naxariistee nin saqaafo dheer u leh luuqada arabiga iyo adabka, ayaa waxaa qaadatay wasaaradii hidaha iyo tacliinta sare. Laakiin Ustaad Abdiladif waa diidey in uu ku biiro wasaaradaas oo wuxuu yiri waxaan ku noqonayaa wasaaradaydii waxbarashada si aan u soo saaro ubad badan, oo wuxuu dalbaday in lagu celiyo goboladii uu ku dhashay.
Waxaa nalooku keenay ustaadka dugsigii sare ee “Sheikh Osman Omar Shabeel Qardho sanadkii 1981 halkaas oo ka noqday maamule dugsi sare.
Ustaad Abdiladif allaha u naxariistee wuxuu sare u qaaday heerkii waxbarasho ee gobolka Bari khaasatan dugsigii sare ee Qardho oo ahaa midka keliya ee k u yaaley gobolka. Wuxuu ahaa nin ardayda jecel iyaguna aad u jecelyihiin oo markasta ku booriya in ay wax bartaan. Waxaan jeclaan jirney in maamuluhu na siiyo xiisad extra ah ama noo soo galo fasalka markii xiisadu banaantahay. Wuxuu ustaadku ku xeeldheeraa saqaafadii carabtii hore iyo dhaqankoodii, Wuxuu aad uga sheekayn jirey shiciradoodii iyo qisooyinkii dhexmari jirey. Isagoo markasta jeclaa in uu dhiso ardayda heerkooda waxbarasho iyo aqooneed.
Ustaad Abdiladif wuxuu noqday gudoonka waxbarashada ee degmada Qardho, isaga oo gudoonka waxbarashada jooga ayaa burburkii dhacay, wuxuu dabadeed noqday gudoonka waxbarashada ee gobolka Karkaar Puntland oo magaalo madaxdiisu tahay Qardho. Ustaad Abdiladif illaah janno ha geeyee wuxuu u heelannaa markasta in uu sare u qaado ubadka waxbarashadooda, wuxuu aad uga muuqan jirey shirarka iyo wadatashiga waxbarashada gobolka iyo Puntland sanadadii danbe.
Illaah ha u naxariistee maalintii jimcaha ee bishu ahayd 30/12/2011 ayuu ku geeriyoodey magaalada Qardho jirro uu la ildarnaa in mudo ah. Marxuumku wuxuu ifka kaga tegey afar caruur ah iyo hooyadood.
Illaah janaddii ha ka waraabiyo Ustaad Abdiladif, Hagi Bilaal Abdo, caruurta iyo xaaska, dhammaan reer Bilaal, asxaabtii, ardaydii iyo dhamaan shacabka reer Qardho samir allaha ka siiyo. Amiin.
Horseed Media
Horseed Media