Beesha Reer Garaad Voted New Garaad In Ceel-Cadde

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
kismayogedojubaland
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1115
Joined: Sun Jul 25, 2010 12:20 pm
Location: Ceelcade, Gedo, Jubbaland State of Somalia

Beesha Reer Garaad Voted New Garaad In Ceel-Cadde

Post by kismayogedojubaland »

Warsaxaafadeed Gabagabadii Shirweynihii Beesha Reer Garaad Uga Socday Ceelcadde
Awalan Ilaah ayey mahad oo dhan u sugnaatay,Nabigeenni Muxumed ahaana naxariis korkiisa ha ahaato. Shir mudda dheer uga socday beesha degmada Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 01/03/12 wajigiisii koobaad la soo gabagabeeyey iyadoo lagu gaaray go’aanno taariikhi ah oo la xiriira qab dhismeedka hogaanka dhaqanka ee beesha.



Shirkaan oo in mudda ah loo fadhiyey ayna ka soo qayb galeen dhaammaan, nabaddoonada, culumida, waxgaradka, iyo xubnno qurbajoogta ka mid ah ayaa waxaa muddadii uu socday lagu gorfeeyey arrimo badan oo la xiriira wax ka badelidda nidaamka dhaqanka beesha iyo arrimo badan oo kale oo maslaxadda caamka ah khuseeya



Beesha Reer Garaad waxay ka mid tahay beelaha Sade ee ku nool gobolka Gedo, waxayna taariikhiyan caam ku tahay nabadda,islaaxa, iyo fidinta diinta islaamka. Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa kaalintii ay ka soo qaadatay arrimaha islaaxa iyo nabadeynta bulshada gobolka iyadoo degaannada ay gobolka ka degto ay noqdeen meelo nabadgelya ah oo aan cidnna lagu dilin ama lagu dulmin muddadii dheerayd ee fidnadu cammimtay guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo.



Mahadda ilaahay ka sokow, waxaa iyaguna mahad leh mudanna in la bogaadiyo odayaashii iyo waxgaradkii beesha ee suurtageliyey wanaagga aan kor ku xusnay, waxayna ku gaareen horumarkaas iyagoo mar walba amuurahooda saldhig uga dhigayey dariiqa alle. Ilaahay ha u naxariisto, kuwa badan oo lafdhabar u ahaa ku hagidda beesha dariiqa wanaagsan ayaa ifka ka tagay, waxaana alla ka baryeynaa inuusan iyaga gadaashood na fidnnayn nagana dhigo kuwo raaca dariiqii wanaagsanaa ee ay bulshada u horseedeen.



Gaar ahaan, mar haddii uu Allihii abuuray uu isagu oofsay odagii hoggaanka muddada dheer u hayey beesha Reer Garaad Sh. Maxamuud Sh. Cabdullahi “Ilaahay ha ka abbaalmariyo wanaagii uu ummadda Islaamka ka dhex sameeyey” ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in la buuxiyo kaalinkaas isla markaasna dib u habayn lagu sameeyo qaab-dhismeedka beesha.




Masawirka dhexda:Garaad Maxamed Sh Maxamud. Dhexda: Xaaji Nabadoon Maxamed Barkhadle. Midig: Sh Maxamud Macalin Yusuf


Sida laga wada warqabo guud ahaan isbeddel ayaa ku yimid arrimaha la xiriira koboca bulshada, qaabka dhaqan-dhaqaale, dhaqan bulsho, iyo midka siyaasadeed ee beelaha Soomaaliyeed; waxaana lagama maarmaan ah in lala tilaabo qaado isbeddelka muuqada ee bulshooyinku samaynayaan.



Haddaba iyadoo beeshu mudda dheer u fadhiday kulankaa taariikh ah oo looga tashanayo danta iyo masaalixda gaarka u ah, dib u qaabaynta hoggaanka dhaqanka beesha, iyo xiriirka kala dhaxayn kara beesha Sade inteeda kale iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed, Ayey beeshu go’aansatay:





1- In magaca hogaanka dhaqanka beeshu noqdo GARAAD. Magaca Garaad waa isim soo jereen ah oo beeshu ku abtirsato



2- In si buuxda beeshu ugu heshiisay loona gartay in Garaadka beesha loo caleema saaro Garaad Maxamed Sheekh Maxamud Sh. Cabdullahi


3- In seddexda qaybood ee bishu yeelato min hal nabaddoon oo mucayim ah isla markaasna degaanka loo sameeyo gole shuuro “Guurti” (qaabka iyo xeer hoosaadka golaha guurtida dib ayaa looga tashan doonaa)



4- Beeshu waxay mar walba taageeraysaa midnimada guud ee beesha Sade. Qaab_ dhismeedka cusub ee dhaqanka beesha Reer Garaad ma aha mid wax u dhimaya ama liddi ku ah wixii dhaqan guud ah ee beesha Sade si midaysan isugu waafaqdo.




5- In beeshu ku dhaqanto shareecada Islaamka. Wax kasta oo mucaamil ah, beesha dhexdeeda ha ahaato, ama wixii kala dhexeeya beelaha kalaba waxaa aasaas looga dhigi doonaa isla markaasna loo cuskan doona shareecada Islaamka.



Ugu dambayn, beeshu waxay umadda Soomaaliyeed ugu baaqaysaa midnimo iyo in colaadda dhexdeeda ah la joojiyo, wadahadalnna lagu dhammeeyo mushkilada dhextaal



Wabbillaahi Towfiiq







Saxiixayaasha Bayaanka:



1- Nabaddoon Xaaji Maxmed Barkhadle Guuleed



2- Nabaddoon Sh. Maxamud Macallim Yusuf



3- Nabaddoon Macallim Cabdulqadir Cismaan Cabdi



4- Nabaddon Xaaji Maxamed Axmed Faarax (Indhayare)



5- Nabaddoon Sh. Salaad Cabdille Maxamed



6- Caaqil Adam Cilmi Warsame – Wakiilka Jaaliyadda Dibadda
User avatar
kismayogedojubaland
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1115
Joined: Sun Jul 25, 2010 12:20 pm
Location: Ceelcade, Gedo, Jubbaland State of Somalia

Re: Beesha Reer Garaad Voted New Garaad In Ceel-Cadde

Post by kismayogedojubaland »

Masawirka dhexda:Garaad Maxamed Sh Maxamud. Bexda: Xaaji Nabadoon Maxamed Barkhadle. Midig: Sh Maxamud Macalin Yusuf
Image
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Beesha Reer Garaad Voted New Garaad In Ceel-Cadde

Post by damu »

so you guys have a garaad i thought always mx used ugaas and ceelcade is it the same ceelcade that freed today i think by aswj??
User avatar
greenday
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12366
Joined: Wed Jul 28, 2010 10:31 am
Location: Ruux bukaanka ku nacay, adoo bahan katagay....Ala barasho, barasho wacanaa!

Re: Beesha Reer Garaad Voted New Garaad In Ceel-Cadde

Post by greenday »

Whats the difference btween, ugaas, garaad, sultaan, boqor, imaam :?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”