Hooyadi Mujaahid Lixle Oo Maanta Si Heer Qaran Ah Hargeysa Loogu Aasay
Hargeysa (TVSLE)- Alle ha u naxariistee hooyadii
mujaahidkii weynaa ee Maxamed Xaashi Diiriye [Lixle]
hooyo Ardo Diiriye Madar, ayaa maanta si heer qaran
loogu aasay magaalada Hargeysa.
Hooyo Ardo oo sannadadii ugu dambeeyey dhul-yaal u
ahayd xanuun ku dhacay oo uu sabab u ahaa naxdintii
ay ka qaaday maalintii loo soo sheegay geeridii
Mujaahid Lixle, ayaa maanta ku geeriyootay guriyeega
magaalada Hargeysa.
Aaska qaran ee loo sameeyey Hooyo Ardo Diiriye Madar,
ayaa waxa ka soo qaybgalay guddoomiyaha golaha
wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdilaahi [Cirro], madaxweyne-ku-xigeenkii ugu
horreeyey ee Somaliland Muhaajid Xasan Ciise Jaamac,
madaxweyne-ku-xigeenkii ku xigay Mujaahid
Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax [Tolwaa], Mujaahid
Ibrahaaim Dhegaweyne, Muhaahid Maxamed Kaahin,
Guddoomiyaha jimciyada muhaahidiinta SNM ee Sooyaal,
Xildhibaanno, masuuliyiin ka tirsan laamaha dawlada,
qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM iyo dadweyne aad u
fura badnaa.
Masuliyiintaa kala duwan ee ka qaybgashay aaska
marxuumad Hooyo Ardo Diiriye, ayaa tacsi u diray
qoyskii iyo guud ahaan qaranka Somaliland geeridaa ku
timi hooyadaa dhashay mujaahid Lixle, iyaga oo
marxuumada ilaahay u waydiiyey inuu jannadii fardawza
ka waraabiyo.
Bahda tvsle.net waxay tacsi u dirayaan guud ahaan
qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyootay Hooyo Ardo
Diiriye Madar.
Geesta kale, Rabbi naxariistii janno ha waraabiye
Hooyo Ardo Diirye Madar, ayaanu fursad u helnay
inaanu waraysi ka qaadno bishii May 1-dii sannadkii
2009-kii, xilligaas oo aanu soo bandhignay xaaladii
caafimaad iyo tii nololeed ee ay markaa ku jirtay.
Waxaana waraysigaasi sababay in guud ahaan madaxda
iyo shacabka Somaliland gudo iyo dibedba inay
taabatay xaaladiihii ay markaa hooyadu ku sugnayd ee
aanu soo badhigynay, isla markaana wax tar badan la
gaadhsiiyey.
Waxa aanu jecelnahay inaanu idiin soo gudbino qayb ka
mid ah waraysigaas.
Alle ha u naxariistee Hooyo Ardo Diiriye oo
waraysigaa aanu kaga qaadnay gurigeeda Degmada
Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaanu
xilligaa waydiinay in ay xog-waran ka bixiso
xaaladeedii nonoleed iyo tii caafimaad ee ay ku
sugnayd, waxaana ay ku jaawabtay oo ay tidhi “Haddii
aan xaaladayda idiinka waramo, anigu haadan waxaan
ahay qof da’ ah oo xanuunsanaya, isla markaana waxaan
ahay qof awoodiisu yar tahay, oo aan wax dhaq-dhaqaaq
ah oo xoogani ku jirin. Habeen walba waxaan ahay qof
xanuunsanaya, hasayeeshee naftani waxa ay leedahay
waqti uu ilaahay qadaayo, oo xaaladaydu waxa ay
noqotay halkan [Gurigeeda] yuruura oo jiif uun oo wax
dhaq-dhaqaaq ah ha samayn, Ama-teedkii wuu iga xidhan
yahay, oo wax cunto ah oo iga degaysaa ma jirto,
marka laga reebo biyahaas cad oo aan carabka uun ku
qoynaayo mooyaane. Bahalkaas [Furaash] aan ku jiifo
ee aad imika iigu timaadeen wax caafimaad ah oo aan
ku haystaa ma jirto.” Ayay Tidhi Hooyo Hooyo Ardo
Diiriye .
Waxaa kaloo aanu wax ka waydiinay inay sharraxaad
naga siiso maraaxilkii nololeed ee uu soo maray
Mujaahid Lixle, Waqtigii uu dhashay, halkii uu ku
dhashay, sidii uu u barbaaray iyo sidi meeshii ugu
horaysay ee uu waxbarashadiisa ka bilaabay, waxaana
ay ku jawaabtay “Haddii aan su’aashaan idiinka
jawaabo waxa aan ka garto, waxa uu Lixle ku dhashay
1945-kii, waxaana uu ku dhashay magaalada Go’da weyn
ee ka tirsan Goblka Saaxil, waxaana uu ugu weynaa
shan caruura oo aan dhalay. Lixle waxa uu ahaa wiil
yar oo aad u deggan, oo aad u firfircoon, marka loo
eego caruurta kale ee aan dhalay. Alle ha u
naxariistee markii uu shan sanno jiray ayaa Xaajigii
[Xaashi Diiye, Lixle Aabihii] iisna wuu dhintee
ilaahay godka ha u nuuree, ayaa inta uu Burco igala
soo hadlay igu yidhi ‘Inankii Maxamed soo kaxee oo ii
keen,’ Halkaas ayaan ugu geeyay oo uu kaga daray
malcaamad Quraankii, markii dambena waxa uu u
wareejiyey Dugsiga Sheekh, markaas oo sida aan
taarikhda ku ahayo ahayd 1952-kii, waxaana uu halkaas
ka galay Dugsiga hoose, Dhexe ilaa dugsigiisii sare
ku dhamaystay.
Waxaana magaca Lixle u bixiyey macalin dugsigiisii
hoose wax ugu dhigi jiray, macalinkaas ayaa sababta
uu magacaas ugu bixiyey waxa ay ahayd, maalin
maalmaha ka mid ah oo ay is dileen lix wiil oo ka mid
ahaa Ardaydii ay wax wada-baranyeen, isla markaana
lixdiiba iska celiyey, kolkaas oo macallinkaasi kala
dhex-galay, uuna ogaaday waxa ay isku hayaa, ayuu
macalinkii yidhi ‘waar kani waa Lixle... mar haduu
lix wiil iska celiyey,’ halkaas ayuu magaca Lixle
kula baxay.
Halkii uu wiilkaygu ka aflaxay ee u ka maqaam-gaadhay
waxa ay ahayd Dugsiga Sheekh. Markii ay taariikhdu
ahayd 1964 waxa uu ka mid noqday lixdii Inan ee ugu
sareeyey Dugsiga sheekh, waxaana loo qaaday wadanka
Ruushka oo uu ka soo bartay waxan loo yaqaano
Ingineernimada. Kolkii dee Hooyo uu soo dhamaystay
waxbarashadaas, waxa uu ku soo noqaday dalka, isaga
oo Markaas madax looga dhigay Xeeradii Taangiyada ee
Xamar, markii dambena Hargaysa ayuu ku soo noqday,
isagoo hadana mar kale madax ka noqday Warshadii
Kebista ee Hargeysa, xilliga oo sida aan taariikhada
ku hayo ahayd 1980-kii. Hooyo dee isagu xilal badan
oo aanan imika xasuusan karayn ayuu soo qabtay, mar
keliya uunbuu isaga tegay shaqadii, oo uu yidhi ‘Beer
ayaan samaysanayaa’ sidii aanu halkaas ugu ogayn,
ayuum-baa naloo sheegay in uu SNM u talaabay. Sidaas
ayuu kaga qayb-galay halgankii dib-u-xoraynta ee
dalka.”
Mar uu aanu Hooyo Ardo waydiinay dareenkeedu sidii uu
noqday markii loo soo sheegay geeridii Mujaahid
Lixle, waxa ay yidhi “Markii la ii soo sheegay
geerida Lixle waxaan deganaa Gurigan [Gurigeeda
Hargaysa ee aanu kula kulanay], kolkaas oo aan
taagnaa, ayuu Teleefon soo dhacay, waanaan qabtay,
waxa la i yidhi ‘waa tuma?’ waxaan ku jawaabay waa
Ardo, waxaa la ii raaciyey ‘wax ma og tahay?’ waxaan
ku jawaabay mayee ilaahay ayaa wax og, waxaa la igu
yidhi ‘Lixle xalay ayuu dhintay.’ Markii aan
kelmadaas maqlay, aniga oo aan odhan xaguu ku
dhintay, ayaan mar keliya uun dhulka ku dhacay oo aan
miyir-doorsoomay, waxuum-baa soo baraarugay aniga oo
dhulka yaala oo dhinacaa Bidix oo dhammi Baralaati i
yahay, dhaawacii maalintaas iga soo gaadhay Feedhaha
iyo Dhabarka, wanigaa ilaa hada la jiifa ee
dhulyaalka u noqday. Markii ay Sidaasi igu dhacday,
muddo labo cisho ah waxba maan cunin. Markii uu
Xaajigii [Abihii] uu maqlay dhimashada Lixle,
kolkiiba gaadhi ayuu kaxaystay oo illaa Burco ayuu
tegay, isaga oo lix cisho ku maqnaa, naxdintii iyo
xanuunkii uu geeridaa ka qaaday muddo yar ka bacdiba
wuu u geeriyooday.
Markaa Hooyo waxaan la yaabay ninka kolkuu dhashay,
halkuu ku dhashay, halkuu ku tacliin qaaday iyo
halkuu ku dhamaystay intiiba la ogyahay, ee halka uu
u dhintayna ee uu u xabaal-galay ay halkan tahay
[Somaliland] ee hadana cidiba xasuusan wayd, ayaa
aniga oo da’daas ah aan la fajacsanahay.” Ayay tidhi
alle ha u raxariistee Hooyo Ardo Diiriye Madar oo
maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada
Hargeysa.
The Mother of the Mujahid gets a state burial in hargeysa
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: The Mother of the Mujahid gets a state burial in hargeys
lixle aun
a legend, end of
a legend, end of
- Keyse_0208
- SomaliNet Super
- Posts: 9898
- Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
- Location: L D N
- Contact:
Re: The Mother of the Mujahid gets a state burial in hargeys
AUN, she gave birth to a HERO..
- KingMJ
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4191
- Joined: Sun Dec 05, 2010 1:04 pm
- Location: Back frm the Dead
Re: The Mother of the Mujahid gets a state burial in hargeys
Mother of a big big time Legend, Ilaahey ha u naxaaristo



-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 26 Replies
- 2012 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 10 Replies
- 1077 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 4 Replies
- 670 Views
-
Last post by KeligiiJabhad
-
- 3 Replies
- 739 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 8 Replies
- 991 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul
-
- 11 Replies
- 1605 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 21 Replies
- 1202 Views
-
Last post by Faant
-
- 23 Replies
- 1402 Views
-
Last post by loggic
-
- 13 Replies
- 1056 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 30 Replies
- 2263 Views
-
Last post by abgaalKING