He also called the Somali parliament for criminals for removing the speaker Sharif hassan
Boosaaso (RBC) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyey xarunta madaxtooyada Boosaaso habeenkii 08.01.2012 oo ku beegan saddex sano guuradii ka soo wareegatay markii uu madaxweyne ka noqday Puntland wuxuu kaga hadlay arimo fara badan.
Madaxweyne Faroole ayaa khudbadiisa wuxuu ku soo hadalqaaday arimo xasaai ah oo dhamaantood u badnaa siyaasad iyo xaaladaha dalku ku jiro, isagoo si furnaan ah uga hadlay arimo qaarkood hore u qarsoonaayeen oo dadku aysan uga warheyn.
Khudbada madaxweyne Faroole ka jeediyey madaxtooyada magaalada Boosaaso waxaa dhageysanayey wasiiro ka tirsan maamulkiisa, odayaal dhaqameed, fanaaniin iyo dad isugu jira waxgarad iyo culimo qaarkood gobolada Soomaaliya ee kala duwan ay ka soo jeedaan.
Shaqo ka tegistii Farmaajo
Madaxweynaha Puntland oo intii uu khudbeynayey soo qaaday xiriirka maamulkiisa iyo dawlada federaalka ayaa mar qura dib ugu laabtay waqtigii uu xilka hayey raysul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo sanadkii 2010 xilligaasi oo madaxweyne Faroole uu ku magacaabay “xilligii ay is ku xumaayeen Puntland iyo DKMG”.
“… Dawlada TFG iyo anagu waa taan mar isku xumaan jirnay, waxaynan iyaga keligood gooni u lahayn ay damceen inay la cararaan oon isku qabsanay god walba isla galnay illaa Security council [Golaha Amaanka QM] isla fariisanay libtii anagay na raacday. Waxay noqotay in la yiraahdo talo ayan ku jirin [Puntland] lama sameyn karo” ayuu yiri Faroole.
“Kuwii nagu edeb darooday”
Faroole ayaa si gaar ah u soo qaatay qaabkii ay xilka uga degtay xukuumadii Farmaajo iyo qaabkii uu ku yimid raysul wasaare C/weli Gaas oo uu sheegay inuu yahay nin reer Puntland ah. Wuxuuna yiri;
“Kuwii nagu edab daroodayna oo fool xumada sameeyeyna hadda waad og tihiin nin WALBA MEESHUU KA DHACAY. Maantana qeyb weyn baanu ka nahay prime minister [raysul wasaare] reer Puntland ah ayaa jooga”.
Listen here: http://www.raxanreeb.com/?p=126625



