Shirkada Korantada NEC oo ka guuraysa isticmaalka Shidaalka

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Shirkada Korantada NEC oo ka guuraysa isticmaalka Shidaalka

Post by FBISOMALIA »

Image

Garoowe:-Shirkada Korantada NEC waa shirkada kaliya ee magaalada Garoowe adeega Korantada siisa, waxayna iminka isticmashaa nidaamka shidaalka, waxayse qorshaynaysaa in sanadkan 2012 ay u wareegto isticmaalka Hawada, ama dabaysha, hadba si aan xog dheeraad ah uga ogaano waxaan maanta booqday shirkadax afiiskeeda, waxaana warbixin iga siiyay sida ay Shaqada Shirkadu tahay Guddoomiyaha NEC Mudane, Cabdifitax Maxamed Cabdi (Kismaayo).

Image
Cabdifitaax Maxamd Cabdi (Kismaayo) Guddoomiyaha Shirkada Korantada Garowe NEC

Guddoomiyaha NEC, Cabdifitaax Kismaayo waxa uu sheegay in ay u diyaar-garoobeen in sanadka 2012 ay isticmaalaan dabaysha iyaka oo ka faa’idaysanaya khayraadka dalka islamarkaasna dhimaya kharashka badan ee wadamada carabta aada ee lagu soo gato shidaalka iyo Olyada, waxa uu sheegay in mashruucan cusub ay ku baxayso dhaqaale aad iyo aad uga badan kii hore balse marka uu hirgalo uu ka kharash yaraanayo nidaamka iminka la istimaalo ee shidaalka.

Horumarka ballaaran ee Shirkadu gaartay ayuu sheegay in qof kastaaba uu indhihiisa ku arki-karo oo Shirkada ka muuqato, waxaana uu sheegay in la balaariyay adeegii bulshada loo hayay oo Korantada la geeyay dhismayaal cusub oo magaalada ka baxsan, islamarkaasna waddooyinka magaalada layrar waawayn lagu xiray, kuwaas oo bilic aad u wanaagsan magaalada ko kordhiyay.

Qiimaha sicirka ayuu sheegay in aysan isbadal saas u wayn aysan samayn sadexdii sano ee u dambeeyay, maadaama qiimaha shidaalku uu kor u socday amaba hoos u dhacayay wax aan qiimo-dhimis lagu samayn-karin.

Waxa uu xusay in horumarka iyo shaqada la balaarshay ay ka timid macaamiisha iyaka la’aantoodna aysan Shirkadu gaarteen horumarkan, waxa uu sheegay in mararka qaar laga hadlo qiimaha, waxa uu sheegay in qiimaha ay dib ugu ceshaan bulshada isaga oo sheegay in ay adeeg (Koronto) lacag la aan ah siiyaan:

Masaajidada

Saldhigyada

Xerada Agoonta

Dugsiga sare

Isbataalka oo ay baxshaan in ku dhow 50%

Waddoyinka

Wuxuu ammaan iyo duco u jeediyay Saamilayda Shirkada oo uu sheegay in ay yihiin kuwo samir badan oo faa’iidada ay ka helaan shirkada ay ka badan tahay midda ay ka faa’iidaystaan Macaamiisha isticmaalka adeega Korantada ee NEC.

Image

Adeega Korantada ee NEC, ayaa waxa uu yahay adeeg 24 saac si joogta ah loo isticmaalo, waxaana maalgashay ganacsato reer Puntland ah kuwaas oo iminka wax gacana ka helin cid kale noocay doonto ha ahaate.

Puntlandpost.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”